Celebrity News

Taariikhda Jilaa ee Aishwarya Rai

Aishwaria Krishnar Rai waa magaca saxda ah eey ku dhalatay waxase loo yaqaanaa Aishwarya Rai,  waxaana lagu naaneysaa magacyada kala ah .Asha.Gullu.iyo waliba Queen of bollywood oo macnaheedu yahay Boqoradda Bollywood.

Wax ku dhalatay Magaalada Magalore ee dalka Hindia , 1-dii November sanadkii 1973-dii, Aishwarya ayaa ka hor inteysan bilaabin filin jilidda sanadki 1994 waxa ayna ku guuleestay tartanka abaal marinta Miss India inay ka gasho kaalinta labaad waxaana ka qaaday atariishada kale ee lagu magacaabo Sushmita Sen waxaayna sidoo kale ku guuleesatay laba mar tartanka Quruxda Adduunka ee Miss World ama gabadha ugu qorxoon dumarka dunida .

{loadposition user4}

Aishwarya ayaa ku soo biirtay jilida aflaamta sanadkii 1997 iyadoona jishay filimki ugu horeeyay ee lagu magacaabay Iruvar waxa u

una ahaa filin Taamil ah oo ku socodo luuqada Tamil oo looga hadlo koonfurta India. Isla sanadkaasi 1997 waxa ay jishay filim kale ee lagu magacaabo Aur Pyaar Ho Gaya waxa ayna la wadday Jilaaga Bobby Doel oo ay Soomaalida u yaqaanan Baadil.

Waxay kaloo Aishw

arya Rai sii laba laabtay dadaalkeedii jilitaanka iyadoo jishay filmaanta Jeans iyo Aa Ab Laut Chalen oo eey la matashay Akshay .

Sanadkii 1998 waxa sidoo kale jishay f

ilimka lagu magacaabo Hum Dil DE Chuke Sanam oo eey la waday Salman Khan iyo Ajay Waxa uuna noqday filinkaasi best film of the year ama filimka ugu fiican sanadkaasi.

Waxaa u xigay filin Tamil ah iyadoo u sii xigay sanadkii 1999 filinka caanka ah ee Taal oo eey la waday Anil Kapoor iyo Aksh

ay khanna waxa eeyna ku heshay kaalinta labaad. dhamadkii 1999 waxa u soo baxay Josh oo Ay la keentay Shahruk Khan,

2000 ayey waxa ey la jishay markale Anil Kapoor filimki Humare Dil Aapke Paas Hai iyo atariishada Sonali Bandre

Mohabbatein ayaa sidoo kale ka mid ahaa aflaamta lagu yaqaan Aish oo ay la wadday Shahrukh Khan iyo Amitab Bachhan “Cali Dheere” iyo waliba aktaro markaasi ku cusbaa bolywoodka sida Uday Chopra iyo Shamitta Shetty waxeyna ku heshay kaalinta labaad sidoo kalena 2001 ayey matashay Albela oo ay la wadday Govinda iyo Jackie Shroff iyo Hum Tumhare Hain Sanam oo ay wax yar ku laheyd oo ay wada wadeen xidigga Salman Khan Shahruk khan iyo Madhuri Dixit.

2001 waxay la keenetay aktarada waaweyn ee kala ah Sanjay Dutt .Amitabh Bachchan iyo Ajay Devgan filim aad u qosol badna oo soo saare ka ahaa David Dhawan filimkaasi oo lagu magacaabo Hum Kisise Kum Nahi.

2002 waxa ay Aishwarya dhigtay filim wadani ahaa oo wax yar ku laheyd kaas oo la oranayay 23rd March 1931 Shaheed waxayna la waday Boby Doel iyo Sunny Doel.

Waxaana ay kadib keentay filinkii caanka ahaa ee Devdaas oo ay ku heshay atariishadii sanadka .

Filinkii Shakti The power ayay sidoo kale matashay Aishwarya, iyadoo sanadkii 2003 ay la keentay jilaaga Arjun Rampal filinka Dil Ka Rishtaa .

waxaa u xigay filim ay la keentay Abhishek Bachan isla sandkaas ayay la keentay bollywood action hero Akshay Kumar iyo Ajay Devgan filimkii Khakee.

2004 waxa ay keentay filin Kyun Ho Gaya Na oo ay la dhigtay jilaaga Vivek.

Ajay Devgan ayay mar kale la keentay filim la yiraahdo Raincoat oo ahay filim jaceyl ah, Shabd ayaa uxigay oo ay al waday Sanjay Dutt iyo waliba Sayid Khan

Aishawaria waxey matashaa filimada Americanka ah oo waxa eey ku jirtaa Hollywood ka iyadoo qeyb libaax leh ka cayaartay filimo aduunka caan ka noqday sida The Mistress Of Spices oo ay matashay sanadkii 2005 iyadoo sidoo kalena sii wadatay aflaamteedii Hindiga ahaa waxana filin la keentay ka dib Sunil Shetty iyo ninkeeda haatan guursaday Abhishek Bachchan filinkii Umra jaan.

Bilawgi sanadkii 2006 ayey Aishwarya Rai waxey keentay Dhoom 2 oo ay la waday Abhishek Bachan iyo waliba Hrithik Roshen waxa u xigay Guru waxaana kula jiray Abhishek Bachan dhamanse waxeey ku ku heshay abaalmarinta ah kaalinta labaad ee sanadkaasi 2006 .

2007 ayeye keentay filimada kala ah The last Legion.

2008 joodhaa akbar,Sarkar raj oo ey ku heshay amaal marino qiima leh.

2009 ayeey keentahay The Pink Panther 2 oo ah filim American ah oo eey la wado Jilayaal caan ah sida ninka lagu magacaabo Steve Martin iyo Jean Reno.

Aish ayaa isla sanadkii tagay ee 2009 waxa ay keentay oo ay la wado Abhishek Bachan iyo Govinda.

Sanadkan aynu ku jirno ee 2010 ayaa waxa ay soo wadaa filimada kala ah Action Replay oo ay la so wado bollywood Action Hero Akshay Kumar iyo Randhir Kapoor oo ah aabaha dhalay atriishada Karishma Kapoor, waxey sidoo kale qorsheynaysaa in ay sameyso filinka Guzaarish oo aktar ka yahay Hirithik Roshen. Iyadoo sidoo kalena Jilaaga lagu magacaabo Rajnikanth oo ay soomaalidu u yaqaanaan Jeestoole ay la jili doonto filim magaciis u yahay Endhiran waxaana la dhowraya inuu soo baxo 14 april 2010.

{loadposition user7}

Aishwarya Rai ayaa xeriir jaceyl la laheyd muddo Jilaaga Salman Khan oo ay wada socdeen 1999 ilaa 2002 balse kadib ay ku dhawaaqeen inay kala hareen waxeyna Aishwarya Rai uga warantay Saxaafada in Salman Khan uuku xadgubday, uuna marmar facil ahaan u wax yeeleyn jiray taasoo keentay inuu burburo xerriirkooda balse Salman Khan waa uu iska fogeeyay arinkaas ay ku eedeysay asigoo sheegay inay aheyd wax kama jiraan uuna dumarka uu jecelyahay ula dhaqmo si raaxo leh.

Waxaa sidoo kale la sheegaa inay jaceyl uu dhexmaray iyada iyo Vivek

Aishwarya Rai oo Quruxdeedu lagu sheego mid ka baxsan tan caadiga ah ayaa waxa nasiib u yeeshay inuu guursado Abhishek Bachchan oo ah wiilka Amitach Bachchan (Cali Dheere) sanadkii 2007 bishii april 20 keedii, ,Aishwarya ayaa 3 sano ka weyn ninkeeda Abhichek waxaana saxaafada u sheegay arooskooda aabaha Abhishek Aabahiis iyadoo ay isku guursadeen xaflad dhaqameed Hindu ah oo ay kasoo qeybgaleen labada famil oo ay ka kala dhasheen iyadoo kla sheegay inuu arooskoodu uu ahaa mid qaas ah o aana looga yeerin dhamaan dadka.

Omar Hassan (King Shire)

king-shire@hotmail.com


RELATED