Celebrity News

Muhanad ayay u yaqaanaan Soomaalida laakin waa Kivanc Tatlitug.

 

Jilaaga Turkiga ah ee Kivanc Tatlitug, ayaa Soomaalida waxey u yaqaanan oo ay ugu magac dareen Magaca loogu yeerayay filinkii Noor oo ahaa Muhanad laakiin Shabakadda Jilaa ayaa ka jaahil baxinaysa Soomaalida Taariikhda Jilaa ee Muhanad ama Kivanc Tatlitug oo dharka xayeysiiya jilana aflaamta musalsalaadka ah ee Turkiga.

 

Waxuu ku dhashay Magaalada Adana dalka Turkiga sanadku marku ahaa 27- October 1983,

 

Waxuu wax ku baranayay koonfurta Turkiga qoyskiisa waxa uu ka ka koobanyahay  afar walalahis iyo Hooyadiis  waxaana  ay usoo guureen magaalada Istanbul kadibmarkii uu aabahiis aad u xanuunsaday iasgoo ku biiray naadi ku yiilay halkaasi waxaana qaadatay Kivanc oo shaqo siisay shirkad kadib markii Hooyadiis ay usoo dirtay sawiradiisa ay ka qaaday asigoo matalay Model.

 

Sanadkii 2001 ayay usuurto gashay Kivanc inuu noqdo Model of the World isagoo halkaasi kusoo shaacbaxay waxuuna bilaabay inuu ku shaqeeyo nin dharka ragga xayeysiiya marmana Jila aflaamta, waxaana fursaddii ugu weyneed uu helay markuu jilay musalsalkii caanka aha ee Gumus ama Noor sidoo kalena waxuu door muhiim ah ka qaatay ruwaayado iyo barnaamijyo ka baxayay TV.

{loadposition user7}

Kivanc Tatlitug. Oo ay Soomaalida u yaqaanan Muhanad ayaa waxuu jaceyl la jilay muddana wada socdeen aktaradda Turkiga ah ee la yiraahdo Meltem Cumbul, oo ka da’ weyneed asiga ilaa 13 sano, waxuuna u arkayay inuu u qalmo balse waxey kala hareen sanadkaan bilawgiisii waxaana la sheegaa in  Meltem Cumbul o ah gabadhaasi uuka baxsaday ninka ugu soo jiidashada badan Bariga Dhexe iyo Turkiga sida ay u qoreen wargeysyada ka faalooda arrimaasi iyagoo ku sifeeya Kivanc inuu yahay Brad pitt-ka Carabta iyo Bariga Dhexe, waxaana la xasuusan yahay in uu jilaagani sababay in  haween badan ay raggii qabay iskaaga furaaan maadaama ay ka codsadeen inay ahaadaan sida Muhanad dabeecad ahaan ama isku ekeysiiyaan qaabkiisa, taasoo rag badani ay diideen qaarkii yeelayna ay dhib kala kulmeen haweenkooda oo aaminsana in Jilaagaan uuku matalo aflaamta nin aad u dabeecad wanaagsan quruxna uu Ilaah Siiyay sidoo kalena ah nin Muslim ah. Waxaana la xasuusanyahay in Musalsalkii Noor ee ka baxi jiray kanaalka MBC oo ay leeyahin Sacuudiga ay ka daawan jireen 85 Million oo carab ah musalsalkaasi iyadoo Kaliijka kaliya ay ku xernaayeen 20 Milyan oo daawade.

 

Kivanc Tatlitug. Ayaa Soomaalida waxay jecelyahin inay ugu magac daraan magaca Muhanad oo ay ku maqleen musalsalkiisii Noor waxaana jira in uu leeyahay taageeerayaal badan haba u badnaadeen Haween, waxaana Jilaa.com aydadaal u gashaa sidii ay Soomalida had iyo goor uga haqabtari laheyd wararka Aflaamta iyo Jilayaasha sidoo kale iyo Fanaaniinta caalamka oo idil.

 

Aflaamtii Musalsal oo uu matalay Jilaagaan ayaa kala aha sidaan

 

* Aşk-ı Memnu  2008/2009

* Menekşe ile Halil (2007/2008

* Amerikalılar Karadeniz'de 2007

* Gümüş (Noor) 2005/2007

 

 

 

 

Info@jilaa.com

RELATED