20062

Oslo oo si weyn looga xusay 1-da Luulyo +Sawiro


2012-07-02 01:26:01

Xaflad weyn oo lagu xusayay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyadda Soomaalida koonfureed iyo israacii Wuqooyiga iyo Koonfurta ay ku midooween sanadkii 1960 ayaa waxey ka dhacday  fagaaraha sofienbergparken magaalada Oslo ee dalka Norway.

Xafladdan oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad u tira badan oo badankooda xernaa astaanta iyo midabada calanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayay shucuur wadaninimo.

Waxaa halkaasi ka mid ahaa dadkii ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/samad Maxamuud Xassan , taliya waaxda socdaalka C/laahi Gaafow oo ku nuux nuuxsaday in la taageero habsami usocodka nabadda Soomaaliya , waxaana sidoo kale halkaasi dhiiri galin iyo taariikhdii halganka ka iftiimiya halgamaa C/qaadir Cali Boolaay oo ah ragga fara ku tiriska ah ee ka nool dhalinyaradii ku jirtay SYL .



Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa heeso, suugaan , ciyaaro iyo madadaalo ay kasoo bandhigeen fanaaniin Soomaaliyeed oo uu horkacayay Xuseen Nuuriyow iyo waliba Dhalad oo loo yaqaano Iskaashato oo ah fanaan da'yar oo ku nool dalka Ingiriiska kaasoo si xiiso badan leh u madadaaliyay da'yartii kasoo qeybgashay oo xiiseynayay muusigga nooca casriga ah.

Jawiga cimilada oo ahaa mid xumaa ayaa gabagabadii xafladda waxaa dadkii kala buriyay roob xooggan kaasoo ka da'ay goobtii iyadoo ay jamaahiirtiina ay kala raadsadeen deyrar ay galaan maadaama ay meeshu aheyd barxad aan laheyn meel lagu onkorto.

Xafladdan koowda Luulyo ayaa ah mid muddo 6 sano ah maalintaan oo kale lagu dhigayay magaalada Oslo iyadoo ay dadku kaga kala yimaadaan magaalooyin fogfog oo ku yaala dalka Norway iyo dalalka deriska la ah ee Scandanavian-ka loo yaqaana waxeyna munaasabban u dhigantaa feesto oo kale maadaama lagu qabto goob furan oo xiiso gaar ah leh.

Sawiradada oo farabadan hoos ka daawo  

Abdul Arts - Skien Norway
Jilaa.com
info@jilaa.com

+5
Ladaney - 2012-07-02 17:07:03 somaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadayeey hadba kiina taag daranee taageera weligiinee calanyahow tilmaan wacanbaa midkaadu taan ku yahee xidigtiii na tirineysaa dhexxda kaaga sii taalee insha allah somalia nabad ayey noqonee idman soo mahan saas ina ader see iitahay waa nii salamey dhaman mumtaz iyo idman si gaar ah ayan idin salama jilaa si qaas ah ayan usalamaa salaan dheer weliba
-2
hibo - 2012-07-02 02:37:29 naa wax makushegaa malinwalbo waa adigaan lashekeysto caruurta kaa yar oo miyadan xishood laheen naa xishoo oo caruurtada korso waqtigaga wasoqadataye webkana udaa dhalinta yaryar haku shekeysate wa digan leh caruurbanleyahay odaybaan leyahay kkkkkkkkkkkkkkkk alla nadafada rerkaaga yaaso eego hadaan sida adiga ufadhiweynanlahaa goor hore ayaa leyso eryilahaa
0
hibo - 2012-07-02 02:39:26 calankeygiyow dadkeygiyow wandin jeclahay
+3
nasriina88@hotmail.com - 2012-07-02 08:58:45 insha allah sanadka danmbe soomaali aa lagu dabaal dagi doonaa soomaalida oodhan meelkasto ay joogto
0
IDMAN - 2012-07-02 12:26:27 hayeey rer oslo wakatumen 1lulyo iibanee aa ladaney kafirshe mehan cml iida maluwayo alla wataay waa arki ladaney dharka calanka qurax aakutahi asiibin abaa
-2
Gaaduur - 2012-07-02 16:06:38 Dad Somali Ka Damiir Iyo Caqli Xun Wali Ma Arkin,Oo Somaliya Gorme Gumeysi Ka Baxde Waatan African Iyo Cadaan Dhan Naguso Duleene?Mise Itobiya Iyo Africanta+Cadnka Waxooda Gumeysi Looma Arko?Walaalo Maan Noqone Maxaa?Hadu Run La Shegayo Oo Wadanka La Jecelyahay Wadanka Dadkas Kuso Duuale Halaga Xoreeyo Waxba Yan Been Hees Iyo Niiko Aan Loo Joogin Meelaha Lala Imaanin Kadibna La Sheeganin Wadanka Ayan Jeclahay,Oo Hestadu Iyo Niikadaadu Wadanka Mee Wax U tarte?Mise Wax Ayee U Tare?kkkkkkkk Yaa Ka Doqonsan Somalida Oo Ka Qadiyad Xun Shyt
+5
Ladaney - 2012-07-02 17:07:03 somaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadayeey hadba kiina taag daranee taageera weligiinee calanyahow tilmaan wacanbaa midkaadu taan ku yahee xidigtiii na tirineysaa dhexxda kaaga sii taalee insha allah somalia nabad ayey noqonee idman soo mahan saas ina ader see iitahay waa nii salamey dhaman mumtaz iyo idman si gaar ah ayan idin salama jilaa si qaas ah ayan usalamaa salaan dheer weliba
+2
isiimacda - 2012-07-04 15:33:42 maash alh somalia waxan leeyahay hambalio waxan u rajeenaya sanadkan sanad kiisa kale in uu rabi subxan watcala ka yeelo dad wanagsan iyo dal wanagsan oo dadyoowga caalamka usoo dalxiistago quluubtoodan xumaanta iyo qabyaalad kasoo
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
Please, use one email and name all the time, pretending multiple users might cuase you to be banned from Jilaa Comments.
 
 
Kajol : Waxaan Jecelahay In aan Noqdo Hooyo lagu Daydo.