7274 | Tweet |

Atriishada Bollywood ee Kareena Kapoor ayaa waxey xustay inay qaadan doonto magaca s reer Ali Khan ee Pataudi waxii ka dambeeya xafladda arooskeeda oo dhaci doona bisha October 16 keeda.
Sababta ah ayaa dhaqanka India oo lagu ixtiraamo qoyska ninkaad guursaneysid inaad ku aftirsato oo aad familkiisa ka mid noqotid , waxaana ay Kareena iyadoo ku qanacsan dooratay inay awoowgeed ka dhigto magaca seygeeda mustaqbalka waa Jilaaga Saif Ali Khan oo ay Kareena wada socdeen sanado.

Kareena iyo Saif Ali Khan- lamaane go'aansaday inay 16ka October ee soo socota
Kareena waxey kaloo carabaabtay inay dhigan doonto arooska dhaqanka India ah oo loo yaqaano Hindu Wedding kaasoo ah mid midabo badan ciyaaro kala duwana lagu soo bandhigo iyadoo la soo xerto dhar midaba kala duwan oo qurux badan leh , lana wada cunno cuntooyinka dhaqanka iyo hidaha ay u leeyahin Hindida.
Kareena Ayaa waxey horey u sheegtay inay aad ixtiraamto dhaqanka India lagu yaqaanay oo ah in gabadha ka dambeyso seygeeda , waxaana ay tani u noqon doontaa Saif mid wanagsan balse waxaa la sugayay inay diintiisa oo ah Muslimka ay soo gasho Kareena sidii hooyadiis Sharmila Tagore oo aheyd atriishadii caanka aheyd ee u muslimtay si ay guursato Ali Khan Pataudi oo ahaa Saif aabiisa kaasoo ahaa ciyaaryahanka Cricketka caan ku ahaa oo guulo usoo hooyay dalka India , balse Saif waxuu yiri xaaskeyga iyadaa go'aansan doonto aniga kuma riixayo, oo sideeda ayaan ku aroosi karaa.
info@jilaa.com
Jilaa.com