5307 | Tweet |

Kadib markii ay isla shaqeeyeen maalamahan dambe Jilaaga Ranbir kapoor iyo jilaaga xayeysiiya dharka Arjun Rampal ayuu sheeg
ay Ranbir inuu Arjun Rampal u tixgalinayo sida walaalkiis ay wada dhasheen waxuun
a Ranbir sheegay inuu aad ugu soo dhaweeyay uuna ka taageero sirta jilitaanka sidoo kalena uu ay Arjun ku dhacday dumaashi mudan in laga maseero oo ah xaas aad u wanaagsan .
Ranbir Kapoor oo ka hadlay Arjun ayaa yiri "Waxaan la qaatay waqti aad u wanaagsan intii aan la shaqeynayay Arjun filinkeena "Raajneeti" waxaana uu ii yahay Arjun sida walaalkeeyga dhabta ah oo kale aad ayaana u jeclahay xaqiiqdii sidoo kale waxaa hadana kasiii daran Xaaskiisa oo iyadana mudan in loo maseero maadaama aanan arkin dumaashi la mid ah ayuu yiri oo ka hadlayay shir jaraa'id uu ku qabtay Hotelka Galaxy maalintii sabtiga.

Labada jilaa oo halkaasi ku wada sugnaa ayaa waxaa ka muuqatay farxad waxeyna markiiba u sacbiyeen atriishada filinka la wado Katrina Kaif oo soo gashay qolka iyagoo u istaagay, iyadoo Arjun uu sidoo kale amaanay Ranbir, Katrina iyo Nana Patekar sida ay ugu wada shaqeeyeen filinka.
Jilaa News
info@jilaa.com