|
|
5983 | Tweet |

Waxaa jira Jilaa badan oo ka tirsan Bollywood-ka oo sicaadi ah ugu heesay aflaamtooda sida Amithab Bachchan, Aamir Khan, Salman Khan Hrithik Roshan, Sanjay Dutt iyo Shahrukh Khan balse haatan waxaa daboolka ka qaaday inuu heesi doono filimaantiisa Shaahid Kapoor oo sheegay in hadii loo baahdo uu galin karo waxna uusan ka qabin arinkaas.
Inkastoo aanan aheyn fanaan cod macaan hadana waxba uma arko hadii lay dhiibo hees inaan ku luqeeyo maxaa yeelay jilayaasha kaleba way ku heeseen filimadooda iyagoo codkooda rasmiga ah ku raaxeestay ayuu yiri Shaahid Kapoor oo u waramayay IANS isagoo intaa ku daray in xiligaan Bollywood ay u buuxaan fanaaniin codeysa filimada oo heesa kuwasoo u heesi kara si ka macaan aktarada wax jila sida aniga buu yiri.
Jilaa News
info@jilaa.com