|
|
8995 | Tweet |

Sheeka aad u xiisa badan ayaa waxey dhaxmartay labada Jilaa ee isjecel oo kala ah Kareena Kapoor iyo Saif Ali Khan xili ey ka qeyb gelayeen shir looga hadlaayay Argagixisada kaas oo ay kala qeybgalayeen Madaxweynihii hore ee Mareykanka G.W.Bush.
Saif iyo Kareena ayaa shirka sheekooyin ka qaadanaayay ayagoo u diyaar garoobaaya filimkii ku saabsana Argagixisada (Kurbaan) oo labadoodu isla wadeen xiligaas waxaana qofkasta soo jeedineysay qudbad ka hadleysa barnaamijka Argagaxisada.
Waxaana wareegu hadalka ku yimid Mr Saif Ali Khan warqadihiisa ayuuna isku aadistay maadaama mesha ey joogaan dad khubara ah oo eegaaya qaladaadka qofka ka dhacaaya mar uu hadlaayo.
Markuu dhameeyay Saif Ali khudbadii ayaa waxaa ku xigsatay Kareena iyadoo wax warqad ah aan soo qaadan wexeyna istaagtay Mimbarkii ama halka khudbada laga jeedinayay iyadoo gashay hadal iyo sheeka aad u dheer inay soo jeediso.
Kareena Kapoor ayaa sheegtay mar wax laga weydiiyay sababta ey warqado u qaadan waysay diiday! wexeyna ku jawaabtay maya anigu waxaan ahay qof lagu daysado sida aad ka aragteen Aflaamteyda marka aan la kulmayo Bush iyo dadka sidiisaana warqada ma qaato ayeey ku soo gabaga gabeysay hadalkeedi.
Gabadhaan ayaa noqotay atriishadii Bollywood ee ugu horeyday ee ka hadasha shir caalami ah ee looga hadlaayo argagaxisada wexeyna ku faantay in ey ka heshay kalsooni aad u weyn eyadoo tiri waan garanayaa sida looga hadlo shirarka nuucaan oo kala ah waxaan aqaan kalimado cusub oo meelaha noocaan oo kale ah laga soo jeediyo kuwaas ayaana igaarsiiyay heerkaan ayeey ku soo afjartay hadalkeedi.
Alamtara A. Rooble
Jilaa News
info@jilaa.com