|
|
12065 | Tweet |

Munaasabad casho ah oo lagu martiqaaday labada jilaa ee Shahrukh Khan iyo Salman Khan oo dhawaan ka dhacday magaalada Mumbai ee wadankaasi Hindiya ayaa waxa isu aflagaadeeyay ereyana isu waydaarsaday labadaasi jilaa.
Xafladan oo ahayd martiqaad ay fidisay wasaarada hiddaha iyo dhaqanka hindiya ayaa lagu xusayay taariikhda fanka ee wadankaasi, hadalana waxa ka jeediyay jilayaal caan ah. Shahrukh Khan oo isagu dadkaasi meesha ka hadlay ka tirsanaa ayaa waxa hadaladiisa aqoonsaday Salman Khan oo ku tilmaamay in ay ahaayeen weerar qarsoodi ah. Mar arrintaasi uu ka faaloonayay waxa uu xusay in oraahda uu dhaliilaya ay ahayd "Cunfiga ka dhexeeya jillayaasha Hindiya waxa lagu xallin karaa iyada oo loo laabto dhaqankii suubanaa ee Hindida" oraahdan iyada ah oo uu ka dhawaajiyay Shahrukh Khan. Sababta kaliftay in Salman Khan ka biyo diido ayaa waxa lagu tilmaami karaa colaada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada jilaa.
Si kastaba ha ahaatee, gabagabadii xaflada ayaa shahrukh khan iyo Salman ay ku kulmeen kadinka(albaabka) hoolkii lagu qabanayay xaflada, Salman Khan ayaana isla markiiba ku soo tuutuuray ereyo deelqaaf kuwaas oo aanu Shahrukh Khan wax jawaab ah ka bixin. Tani ma aha markii ugu horaysay ee arintan mid la mid ahi dhacdo, colaada dheer aawadeed ayaa labada jilaa ay inbadan isku waydaanrsadeen ereyada iyaga oo joogo meel fagaare ah. Badanaana saxaafada ayaa ku tilmaanta in Shahrukh Khan uu yahay ninka arrintan si masuulinimo ah ula dhaqma halka Salman Khan lagu tilmaamo "Geel dabadii" waxa kale oo xusid mudan in labadu yihiin jilayaasha ugu cadcad bollywood, wada jileene filimaan iyo waliba ayigoo labadooduba haystaan diinta Islaamka.
Dhanka kale waan ayaa waxaa uu Salmaan Khan sheegay inuu Magaalada Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta ku qabanayo ciyaar Kirikitka ah oo ay cayaarayaan Xiddigaha Bollwyoodka, waxuuna sheegay inuu ku casuumay Shahrukh Khan balse lama oga inuu ogolaaday iyo inkale maadaama uu Salmaan u qabanayo ciyaarta garoonka lagu dheelayo in lagu gargaaro caruurta dhibaateysan.
Inta badan ayaa waxaa reer Khan oo isku meel kasoo jeeda waxaa dhex yaala khilaaf waxaana dhawaan sidoo kale isku kacsanaa Aaamir Khan iyo Shahrukh, waxaana keena xurguftooda sida la sheego in ay sedexda Khan ku loolamaan Bollywoodka hogaankiisa waxaana intabadan dhexdhexaadiyo jilaaga Sanjay dutt oo la dhihi karo waa saaxiibka ugu dhaw ay leeyihiin maadama ay sidoo kale wada yihiin Muslim ayaga iyo Sanjay Dutt.
Yuusuf Cali warsame
Jilaa News
info@jilaa.com