|
|
4283 | Tweet |

Aktarada jilaa ee Bollywood Katrina Kaif ayaa cadeysay inaysan ka qeybqaadan doonin filimada ay ku dheehantahay dhunkashada ama baashida, waxaana ay aktaradda sheegtay inaan la arki doonin iyadoo faruuryaheeda ku qabaneyso jilayaasha ka dhinac cayaarayo aflaamta waxeeyna Katrina ku celcelisay inaysan gabi ahaanba u arkin raaxo waxaas oo ay u aragto xishood iyo ceeb.
Katrina oo soo hadal qaadeysay diidmadeeda in dibnaha la saaro ayaa tiri: waan ogahay inaan soo sameeyay dhunkasho afka ah xiligii aan jilayay filimo hore sida filinkii New York balse kuma aan qanacsaneyn maxaa yeelay Director-kii filinkaas ayaa igu qasbay oo sharad iiga dhigay. laakiin mar dambe ma dhaceyso oo ma sameyn doono " waxeyna Katrina intaa sii raacisay inay jeceleysan xerashada bikini-ga.
Jariidada Daily report ayaa hore ugu tilmaamtay Katrina inay tahay gabar niyad ahaan aad u dhowrsan maadaam ay ka soo horjeesatay inay xerato kastuumada Bakini ga xilli uu Directorka Karan Johar usoo jeediyay mar la duubayay filinkii Dostana 2 uuna isku dayay inuu ku qasbo maadaama ay Priyanka Chopra xeratay dharkasi Dostana qeybtii hore. laakiin Kartina way ku gacanseertay inay ogolaato arinkaasi.
Katrina oo haysata diinta Islaamka Aabahedna uuka yimid Kashmir halka hooyadeed ay tahay British, waxeyna ku barbaartay dalka Mareykanka iyadoo haatan saaxiib la ah jilaaga Salman Khan, waxeyna kusoo gashay Bollywoodk-ka Model ama iidhehda dharka.
Halkaan ka daawo Katrina iyo Akshay Kumar
Jilaa News
info@jilaa.com