|
|
4974 | Tweet |

Gabadha usoo baxday waayahaan dambe Bollywood ee Deepika Pudakone oo dhawaan ka qeybgashay mahrajaanka magaalada Cannes ee Faransiiska ayaa waxaa ay aad usoo jiidatay indhaha Hay'adda caalamka ugu weyn dhanka sameynta aflaamta ee Hollywood iyadoo ay Deepika heshay fariimo iska soo daba dhacay kuwaasi oo ugu imaaday soo saarayaal iyo jilayaal caanka ah caalamka waxeyna weydiisteen inay la kulmaan si ay iskaga warsadan inay suurto gal tahay wada shaqeyn dhex marto ayaga iyo Deepika oo haatan calankeeda ka babanayo Bollywood-ka.
Woody Allen,iyo director-ro kale oo caan ka ah Shineemada ayaa ii yeeray laakin mashquul ayaan ku ahaa shaqooyinkeyga ayay tiri Deepika oo u warameysay saxaafadda Markey kazoo laabatay dalkaasi Fransiiska waxeyna Deepika xustay inau dib u la xeriireyso maalmaha soo socdo ayna aad u tixgelineyso arrinkaas kuna faraxsantahay inay ka dhexmuuqato Shineemada Caalamiga ah.
Waayahan dambe ayaa waxaa soo kordhayay wada shaqeynta ka dhexeysa Jilayaasha iyo shirkadaha Hollywood ee mareykanka iyo Bollywoodka India, waxaana laga xusi karaa Jilayaasha ka qeybgalay filimada ama barmaajiyada Tv ee Hollywood-ka Hrithik Roshan, Aishwarya Rai, Salman Khan, Shahrukh Khan, Akshay Kumar, Salman Khan, Aamir Khan, Irrfan Khan, Anil Kapoor, Pedra Pinto, Shilpa Shetty iyo kuwa kale iyadoo la xasuusto saameynta uu caalamka ku yeeshay filimkii Slumdogg Millionare oo ahaa mid ay mataleen jilayaal da'yar oo Hindi ah kaasoo ay ku heleen abaalmarinta Oscar-ka filinka ugu suurada ama muuqaalka qurxoon halka dhanka muusiggana uuku qaatay A. R Rahman oo ah muusikiiste laga yaabay qarnigaan oo la holin waayay.
Jilaa News
info@jilaa.com