|
|
5972 | Tweet |

Xidigaha jila aflaamta Bollywood ee kala ah John Abraham iyo Bipasha Basu ayaa haatan noqday lamaanaha ugu xiisaha badan uguna waqti dheer dhanka wada socoshada maadaama ay xeriir Jaceyl lahaayeen ilaa 8 Sanadood ayagoo is caashaqay sanadkii 2002 ilaa haatana si aad ah isku jecel.
Bipasha Basu oo la sheego inay kasoo jeeddo qoys muslim ah ayaa waxey ka mid tahay gabdhaha haatan calanka quruxda u sida Bollywoodka India waxeyna iyada iyo John iska heleen xili ay ku cusbaayeen jilitaanka ayagoo waqti isla qaatay waliba intii ay ku jireen Bollywoodka.
John Abraham ayaa asigana waxuu leeyahay shirkad dharka sameysa oo wadata magaciisa JA, waxaana uu sheegaa marwalba in Bibasha ay wax weyn ka bedeshay nolishiisa iyadoo siisa talooyinka uu ku hormaray maanta, waxeyna aheyd fikraddii u dambeysay uu ka helay dhanka gacalisadiisa inuu jirkiisa si wanaagsan u dhiso si uu isku bedelo filinka Dostana 2 oo dhawaan uu matalayo kaasoo uu qarash badan isku baxiyay John Abraham si uu u noqdo jilayaasha ugu dhisan xagga jirka Bollywood.

Dhawaan ayaa waxaa lagu daabacay Wargeyska FilmFare sawir ay lamaanahan kaga guuleysteen lamaanayaashi kale ee kula tartamayay in lagu sawiro bogga hore joornaalkasi waxaana ka muuqatay John iyo Bipasha kalsooni iyo inay yahiin laba qof oo ku qanacsan inay wada qaataan waqtigooda.
Taageerayaasha labadan Jilaa ayaa mar walba ka welwela oo is weydiiya goorta ay u hana qaadayaan guur laakiin Bibasha ayaa hore u sheegtay inuu guur meesha ka marneyn oo ay aaminsanyahiin sharciga arooska, ayna maalin uun is guursan doonaan gacaliyaheeda John Abraham.

Hadaba Jilaa waxuu u rajeeyay lamaanahan isjecel, nasiib wacan iyo nolol farxad leh
Jilaa News
info@jilaa.com