|
|
6526 | Tweet |

Jilaaga weyn ee Bollywood-ka Shahid Kapoor oo lagu wareersanaa diinta uu rumeysanyahay ayaa cadeeyay in uu heeysto Diinta islaamka mar uu ka hadlaayay noloshiisa waxa uuna sheegay Shahid in uu yaraantiisii aaminsanaa in uu yahay muslim asigoo la soo barbaaray Hooyadiisa Neelima iyo habaryartiis oo aad ugu dheganaa Diinta islaamka asigoo intaa ku daray in Diimaha kale uu ka aaminsanaa ay yahiin wax aan jirin dhanka qalbiga.
Mar wax laga weydiiyay Shahid in ay qarsoodi u tahay Diinta uu heyso iyo inkale ayuu ku jawaabay "maya Diintu ma aha wax qarsoodi ah waxaana aaminsanahay in dhamaan Diimuhu eysan aheyn sida Diinta Islaamka oo kale maxaa yeelay waa mid furan ayuu yiri Diinta Islaamku laakiin diimaha kale sidaas maaha".
Shahid Kapoor ayaa wax badan ka sheekeeyay Diinta Islaamka asigoo qiray in uu wax badan kabartay Quraanka Kariimka ah xiligii uu yaraa gurigana uu ugu imaan jiray Macalim Quraanka bari jiray waxuna yiri " aad baan u jeclahay Quraanka waxaana ku aqristaa Luqada Ingiriiska inta aan ka aqaano ayuu yiri Mr Shahid Kapoor oo Bishii September ee hore sheegay in uu soomay dhamaan maalmaha Bisha ramadaanka oo maalin qura uusan seereyn ilaa intuu soo qaangaaray.
Shahid ayaa noqonaya Aktarkii ugu horeeyay ee ku abtirsada Reer Kapoor oo muslim ah waxaana lagu ogaa Islaanimada Bollywoodka Reer Khan oo kasaoo jeeda Qoysas Muslimiin ah laakiin waxaa la dhihi karaa Islaanimada Shaahid waxaa horseed u ah Hooyadiis Neelima oo si aada Diinta Islaamka u aaminsaneed kuna soo barbaarisay Shaahid.
Xidigaan da'da yar ayaa waxa kale uu ka hadlay Zekada asigoo sheegay in Hooyadiis ey Zekada bixinjirtay siina jirtay dadka tabaaleysan iyo dadka aan Xoolaha heysan wexeyna maalkeeda ka bixin jirtay buu yiti 2.5% waxaa kale ey bixin jirtay buu sheegay Zekaatul Fidriga oo leh nolol wanaagsan iyo cimri dheer.
Shaahid Kapoor ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in sanada soo socota lagu arki doono waxyaaba aanan hora u sameey oo cusub waana dhab ayuu ku daray hadalka aan sheegayo wax badan ayaan sameydoonaa.
Alamtara Ahmed Roble
Jilaa News
info@jilaa.com