Celebrity News

Emraan Hashmi, jilaagii dhunkashada iyo baashida ku galay taariikhda



Shirkadda aflaamta ee India oo lagu magacaabo Bollywood oo caado ahaan waqtiyadii hore ay ceeb iyo wax laga baqo ka aheyd in baashida ama dhunkashada dheer la isla galo afka ayaa maalmahan dambe waxaa jiray jilyaal kusoo badanayo waxaana haatan laga yaaban yahay Jilaaga Emraam Hashmi oo kusoo caan baxay magaca  Dhunkade halis ah.{loadposition user4}

Emraan Hashmi ayaa waxuu filimadiisa dhan ku qabtaa atriishooyinka baashi ama dhunkasho isagoo dinbaha kaga dhaga ilaa qadar daqiiqado ah taasoo uu kaga duwanyahay jilayaasha kale oo aad uga baqa arinkaasi Balse Emraan ayaa ah mid ku dhiiran baashiyeynta Hablaha Bollywoodka.
{loadposition user7}
Mar la weydiiyay Emraan Hashmi sida ay u dareento xaaskiisa waxuu sheegay  in mararka qaar ay daawato xaaskiisa filimadiisa ay dharbaaxsho la dhacdo waxuuna sheegay balse inuu ka dhaadhacsiiyo inay tahay howshiisa waxaan uu sameynayo uuna ka dhaadhacsiiyo arinkaas xaaskiisa si ay ugu qanacdo maadama dumarkaasi ay ka dhaxeyso kalaiya shaqada jilitaaanka oo hadii uu dhamaado duubista filinka ay kala tagayaan.


Emraan ayaa waxaa uu joojiyay dhunkashadan kaliya filinkii Once upon a Time in Mumbaai kaasoo ay dadka yaabeen iyadoo la filaayay in la arki doono Emraan oo ku dhaggan atriishada balse waxuu Emraan sheegay inaysan ku jirin filinka qiso la isku baashiyeyn karo, Laakiin waxuu sheegay inuu wacdaro shumis ah ku muujin doono Filinkiisa soo socda ee Firang.


Mr Emraan Hashmi oo 31 jir ah  ayaa waxaa dhalay qoys Muslim ah waxuuna magaciisa ahaa Farhan Anwar Hasmi isagoo kusoo laabtay magacaan Emraan oo uu sheegay in horey loo oran jiray, waxaa sidoo kale uu Imraan sheegay in loo diiday inuu guri ka iibsado Pali Hills sababo la xeriira inuu Muslim yahay balse kadib arinkaas ka caroodeen jilayasha kale ee Muslimka sida Shahrukhan iyo Salman Khan iyadoo ugu dambeyntii loo ogolaaday waxeyna sidoo kale u sheegeen labadaan Jilaa inuu Emraan iska yareeyo baashida uu la aado afka atriishooyinka iyagoo marwalab dareema cabsi iyo xishood waxeyna kula kaftameen inuu si kale u madadaaliyo.

Isku soo wada duubee Emraan Hashmi ayaa waxaa loo yaqaanaa Boqorka Baashida ee Bollywood waxaana u dheer inuu yahay jilaa Manaxe ah oo ku wanaagsan filimada la is tumayo oo uu kusoo cana baxay sida Zeher, Aksar, Gangaster, Ashiq Banaya Aapne, waxaana u heesa intabadan filimadiisa dhanka muusiga Heesaaga Himesh Reshamiya.
{loadposition user7}
Jilaa News
info@jilaa.com


Aamir khan oo la kulmay Obama..
2010-11-08 03:57:51

RELATED