Celebrity News

Aamir khan oo la kulmay Obama..



Jilaaga weyn ee Bollywood-ka Aamir Khan ayaa qaabilay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama oo booqasha ku jooga Dalka India asigoo casuumad rasmiya kahelay Mr Obama waxeyna ku kulmayaan magaala madaxda India ee Dalhi iyagoo hal miis kuwada casheeyay waxaana wehlinayay 25 qof oo VIP ahaa oo uu ka mid ahaa Ra'iisul wasaaraha dalkaasi iyo Muusikiistaha A R Rahman, sidoo kale Sonia Ghandi.{loadposition user4}


Kulankaan ayaa lasheegay in uu sharaf u yahay Aktorkaan caanka ah ee Aamir Khan iyadoo dhanka kale la qeexay in Mr Obama naftiisa  ay sharaf weyn u tahay in uu lakulmo jilaa sida Aamir Khan oo kala ah waana fursad muhiim u ah labadan mas'uul in ay halmiis wada fadhiistaan oo sheeko is weydaarsadaan..

Rugcadaagan jilaaga ee lagu naaniiso Aabaha Jaceylka ayaa lashegay in uu qariyay kulanka uu laqaadanaayo Barack Obama laakiin waxaa sirtiisa daaha ka qaaday afhayeenkiisa kaas oo sheegay in Obama iyo Aamir Khan  ay  xalay ku balansanaayen casha ka dhaceysay magaalada Dalhi.


Aamir Khan ayaa waxaa uu hore ula kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaasi Mareykanka Hillary Clinton iyadoo kala hadashay arrimo ay ka mid ahaayeen waxbarashada iyo taageerida caruurta India maadaama uu Aamir Khan yahay qof u dooda caruurta dhibaateysan iyo kuwa ay aafeysay waxbarasho la'aanta.

{loadposition user7}

Dhanka kale warar ka soo baxaaya Shahrukh Khan oo ku sugan Dalka Jermalka gaar ahaan magaalada berlin kuna mashquulsan Sawirada Filimka Don 2 ayaa sheegaya in la weydiiyay  su'aal ku saabsan booqashada Mr Obama ee India sida uu u arko Shahrukh Khan ayaa ku jawaabay asigoo kaftan iyo qosol isku daraya Madaxweynaha Mareykanka miyaa India jooga..! hadii aan hora u ogaan lahaa in uu hindia imaanaayo daafaha Mareykanka kama raadiyeen ayuu Shahrukh Khan kaftankiisa ku soo xiray, isagoo ula jeeday hadalkiisa qaabka uuku jilay filinkii My Name is Khan oo uu jilaagan ku baadi goobayay inuu la kulmo Mr Barrack Obama.

Alamtara Haji
info@jilaa.com

RELATED