|
|
14322 | Tweet |

Filimkan Hindiga ah ee “My Name is Khan” ayaa waxaa ka jilaya Shahrukhan iyo Kajol waxaana Director ka ah Karan Johar oo ah soo saarihii filimkii caanka ahaa ee “Kuch Kuch Hota Hai” waxaana filimkaan uu xambaarsanyahay qiso xiiso badan leh oo ah ku turjumeysa Saameynta Magaca argagaxisada ku yeelatay dadka Muslimiinta
ah kadib weeraradii 11-ka Septemper lagu qarxiyay dalkaasi Mareykanka iyo dhibaatooyinka kasoo wajaha muslimiinta galitaanka dalalka galbeedka ah sida America iyo Yurub iyo howlaha kale ee bulsho markii uu qofka wato magac muslim ah taasoo ku dhacda inta badan xataa Soomaalida, iyadoo lagu sameeeyo qofka baaritaan dheeri ah markii magaciisa uu yahay Magac Islam waxaana uu jilaaga Filimka dadaal u galaya sidii uu uga dhaadhicin lahaa shacabka Mareykanka iyo galbeedka inuu yahay nin Muslim ah oo aan aheyn argagaxiso isagoo la kulmaya Madaxweyne Obama kana codsanaya in laga daayo baaritaanada Muslimiinta kaliya lala daba joogo.
{loadposition user6}
Shahrukhan oo isaguba ah nin Muslim ah ayaa waxaa uu dhibaatooyin kala kulmay magaciisa Khan kadib markii lagu qashqashaaday meelo badan ay ka mid yahiin Airporada ama Garoomada Caalamka, maadaama magaciisu yahay Khan oo lagu yaqaano Muslimiinta magacaasoo ay caan ku yahiin dadka ka yimaado dalalka Afghanistan iyo Pakistan, waxuuna filimka qeexayaa in qofkii magac mulsim wata uusan aheyn Argagaxiso iyadoo hal ku dhag looga dhigay Filimka, Magaceygu waa Khan mana ahi Argagaxiso,
{loadposition user6} Hadaba hadii aan wax yar idiin kaga taabano qisada filimka My Name Is Khan ayaa ah nin (Shahrukhan) doonaya inuu u safro xaaskiisa (Kajol) oo joogta dalkaasi Mareykanka ninkani oo qaba jiro cuuryaan ah ayaa markuu gaaro Airportka Los Angeles ayay Mareykanku moodaan inuu yahay nin Argagaxiso ah maadaama uu wato Magac Muslim hadana uu yahay nin jareynayo maadaama uu ayahy naafo balse ay cabsi ka qabaan ayna marwaliba xeraan oo ay baaritaano ku sameeeyaan iyagoo umaleeya inuu yahay Argagaxiso waxuuna takoorid kala kulmaa meelo badan oo ay ka mid tahay shaqooyinka iyo dhexgalka bulshada, balse Khan ayaa isku day uu sameynayo waxuu kulmayaa Madaxweyne Obama si uu ugu sheegay inuu yahay Magaciisa Khan laakiin uu aheyn Argagaxiso, isagoo dhahaya My Name Khan and I am not Terrorist,.
Jilaa News
info@jilaa.com







Jilaa News
info@jilaa.com