|
|
6131 | Tweet |

Atariishda Bollywoodka Kajol ayaa u muuqata mid go'aansatay in aysan Sanadkaan wax Filim ah matelin, Miss Kajol ayaa markale Go'aan ku gaartay in muhiimadeeda ugu weyn ay siineyso Qooyskeeda halka ay markii hore siin jirtay dhanka Aflaamta sida ay hadalka u dhigtay.
Atariishadaan ayaa warbaahinta ku wargelisay in aanay Sanadkaan wax Filim ah kasoo muuqan doonin, waxeyna tiri mamatali doono wax Aflaam ah sanadkaan, haa dhanka warbaahinta waan dar-dar geli doonaa waxaan noqon doonaa qof fri-fircoon laakiin waxaan go'aansaday in aan waqti raaxa ah qaato noqdana Hooyo qaali ah oo tusaale laga dhigto ayaay tiri Kajol.
Kajol ayaa dhanka kale ka sheekeysay Saaygeeda Ajay Devgan iyadoo ku tilmaantay Xidig wax kasta in lasiiya mudan, waxeyna tiri Ajay waxa uu ku socda horu mar Jilaanimo waa Xidig tusaala u ah xidigaha Bollywoodka run ahaantii waxuu mudanyahay waxkasta in uu ku guuleysto maxaayeelay waa shaqsi karti iyo khibrad ku filan leh wuxuu leeyahay maskax cajiib ah ayeey hadalkeeda ku soo afmeertay Miss Kajol.