Celebrity News

Taariikhda Jilaa Ee Shahid Kapoor.

 

Shahid Kapoor waxa uu dhashay 1981-kii, Aabihii waxaa lagu magacaabaa Pankaj Kapoor waxa uu ahaa Jilaa ama atoore waxa uuna heystaa diin ahaan Hindu, laakiin Shahid iyo Hooyadiis Neelima Azim waxa ay heeystaan Diinta Muslimka, Hooyadiis waa tabare dhanka Raqsiga ama qoobkacayaarka, weyna kala tageen labadiisa waalin xili hore. {loadposition user4}

Shahid Hiwaayadiisu waxey eheed in uu jilaa noqdo qoob kaciyaarka barto iyo weliba in uu cayaaro Cricket-ka, Shahid inta uusan noqon Jilaa waxa uu kashaqeyn jiray sida Video iyo warbaahinta ganacsiga, laakiin muuqaalkiisa wanaagsan iyo moowhibada uu lahaa ilaahna ku maneystay ayaa weji cusub oo kale u gediyay waxa uuna helay shaqooyin sare sida in uu u shaqeeyo Shikada Pepsi waxa uuna lashaqeynaayay Jilayaal caan ah sida Mincharojan - Rani - Kajol .


Shahid fursadihii ugu wanaagsanaa ee usuura gelisay in uu noqdo Jilaa  waxa uu kahelay warbaahinta isagoo in badan ku dhaxjiray, waxaa kale oo Shahid kasoo muuqday xiligi ugu horeeyay Heestii Kahiin aag lage taasuu kamid ahaa dadkii heesta ku ciyaarayay.



Filimkii ugu hereeyay ee Shahid metelo waxa uu keenay Sanadkii 2003- waxaana lagu magaxcaabaa ishq vishk, laakiin waxa lala yaabay Shahid markii uu ku kuuleystay Jaa'izada loo yaqaano Filmfare kadib markii uu noqday Jilaagii ugu wanaagsanaa Shabaabka taasoo fajac ku noqotay wejiya badan oo kala duwan, hayeeshee Shahid waxa uu soo bandhigay in uu leeyahay mustaqbal ifaya oo cid inkiri kartaa  jirin.


Sanadkii 2004-ta waxa uu keenay Filim sedax geesood ah oo ay wada jilayeen Kareena Kapoor iyo Fardeen Khan oo lagu magacaabo Veda waxa uuna kagaaray guul weyn isagoo markale helay soona jiitay indhaha Soosaarayaal caan ah iyo weliba taagero fara badan,  waxaana uu isla sandkii 2004-ta uu keenay Filim kale oo ah romansi iyo qosol iskugu jira magaciisuna yahay Dil Maange .

Shahid waxaa helay hoos u dhac sanadkii 2005-ta waxa uuna keenay aflaam fara badan laakiin manoqon kuwa uu guulo wanaagsan ku gaaray laakiin shacbiyadii uu lahaa waxba uma aysan dhimin oo waxa uu noqday mid kamid ah xidigaha loogu jecelyahay Bollywoodka, filamadaasina waxaa kamid ahaa [  Vaah , Life Ho To Aisi, Deewane Huye Pagal, and Shikhar.

Shahid Kapoor waxa uu dib u bilaabay shaqadiisi waxa uuna markaan miiska soo saaray Filimada kala ah China Town 36 iyo Chup Chup ke laakiin guul wey kuma gaarin oo waxey noqdeen meel dhaxaad. hayeeshee Shahid manoqon mid quusta oo waxa uu markale lasoo shirtegay [ Vivaah ] run ahaantiina waxa uu noqday mid dumiyay aduunka waxa uuna noqday mid la'isku dilo daawashadiisa oo Shaleemooyinka qabsaday waxaana bulshadu u qireen in uu yahay Jilaa dhameystiran waxa uuna noqday Xidigii ugu nasiibka badnaa malmahaas.

Jilaagaan caanka ah  ee Shahid Kapoor waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi aan quusan oo aan niyad jebin marka filimaantiisu noqdaan falop, laakiin waxa uu hal kaas ka qaataa qaladaadkii uu sameeyay asigoo isku daya in uu markale dib usoxo, waxaa kale oo lagu sheegay Shahid in uu yahay shaqsi karti badan mar walibana jecel in uu guul gaaro asigoo dhanka kale kamid ah amaba lagu tilmaamo in uu yahay Jilaaga 2aad ee ugu cayaarta wanaagsan Bollywoodka marka laga soo tago Hrithik Roshan.

Xiliyadii  iyo magaxyadii Aflaamta Shahid Kapoor uu jilay Halkaan ka aqriso.
{loadposition user7}
Years                     Title



2003  =Ishq Vishk

2004 =                   Vida, Dil Maange More

2005 =                  Deewane Huye Paagal, Vaah! Life Ho Toh Aisi, 

2006 =China Town36, Chup Chup Ke, Vivah

2007 =Fool n Final, Jab We Met

2008 =Kismat Konnectionm,

2009 =Kamineym, Dil Bole Hadippa,

2010 =Badmaash Company, Milenge Milenge

2011 =Mausam

 

Alamtara Haji

Info@jilaa.com

RELATED