6054 | Tweet |

Jilaaga u dhashay Sacuudiga ee musalsalka Daashmadaash ee laguna magacaabo Naasir Alqasabi ayaa xoojiyay weerarka uu ku haayo kooxaha mayalka adag ee ah seef laboodka ooo dhibaato ku haya dalka Sacuudiga iyo dalalka Carabta ah waxeyna olole weyn oo lagu damacsanyahay in lagu joojiyo musalsalka caanka ah ee (dhaash ma dhaash ) wadeen bilo ka hor inta uusan hawada soo galin ayaa balse xalqadihiisii ugu horeeysay ayaa waxaa daawaday malaayiin sacuudiyaan ah oo jecel musalsalkan.
Kooxo usuuliyiin ah ayaa mudo bil ah waxay soo diyaarinaayeen olole xariir guud oo ay kusoo diyaariyeen (fatwa bixin) taasoo kaga ku xarimayaan musalsalka (Dhaash ma dhaash) waxeyna kusoo bandhigi doonaan xoogaa dhaleeceen ah ay u geysanaayaan kuwa xagjirka ah.
Jamaacadaan ayaa u xumeynaya dadka musalsalka iyagoo labeegsanaya aflagaadooyin foolxun sidey uyareyn lahaayeen daawashada dadweynaha balse waxay ku guuldareeysteen in eey joojiyaan (Dhaash) ayaa usuuro gashay in lasii wado asagoo ka hadlaya dhamaan dhinacyaha bulshada kala duwan saas eey tahay ayaa hadana waxaa uu la kulamaayaa in si ba an looga mucaarado dhanka seeflaboodkaa kuwaasoo ay ka weerareen xalqado badan oo caan ah.
Dhanka kale hambalyooyin tahniyado iyo soo dhaweyn aad u balaaran ayaa kaga imaaneysa dhanka taageruaasha daawadayaasha ah iyo saxaafada kadib markii ay ku guuleysteen qeybahii ugu horeeyay oo ay soo bandhigeen Aktarrada Daash.
Sidoo kale waxay kaloo kusoo dhaweeyeen soo noqoshada ay kusoo noqdeen masraxa kadib marka ey ka maqnaayeen mudo sanad ah xalqa

dihii ugu horeeyay ayaa soo kamuuqday soosaarihii suuriyaanka ahaa oo loo yaqaanay Hishaam Sharabtaji kaasoo gacanweyn ka geestay soo saarida xiligaan una soo saray si heer sare ah oo laga daba dhacay waxaan la shinsanaayaa in ay qeyb ka yihiin Daash sanadkaan dhoowr qeyb ama xalqadood oo saameyn weyn iyo guulo leh waa sida uu sheegay mas'uulka musalsalkan ayna ka mid yihiin xalaqadahaasi sida jinsi kala bedelesho iyo xalqada (Adeegto) waxuu kaluu tilmaamay in laga reebay sanadkaan 2 xalqadood in lasoo bandhigood midkood ku baxeysay cinwaanka ah ( Baaraak qabta Mubaark ayaan qabaneynaa ) taasoo ka hadleysa barbardhaca kudanbeeynta nolosha madaxweynaha Mareykanka Obama iyo shaab madow ku dhix nool bulshoweynta carabta eey lagu magacaabo (Mubaarak) ayuu yiri mas'uulka iyo midkale ka hadleysa sameecadaha masaajidada oo kor loo qaado taasoo ayaantaan danbe lagu hadal haayo wadooyinka sacudiga.
Ma isku wareeriyaan dadka jecel Dhaash soo noqnoqoshada diidmada musalsalka waxaa hadaba dadbadani ay gacanta ku dhigeen xalqadihii la mamnuucay iyagoo DVD ah modo yar gudohooda ayna ka fiirsan karaan Internetka.
Wuxuu sheegay fanaanka weyn ee sacuudiyaanka ah ( Naasir alqasbi ) warbixin gaar ah oo uu siiyay warbaahinta (Alsiyasi) in ay caado u noqotay seeflaboodka in ay ka hor yimaadaan mar waliba musalsaladooda xilikasta ay soo saarayaan xalqad cusub waxaa kaloo uu cadeeyay in weeraradaani oo kale aysan saameyneynin habsamida howshooda u socota wuxuuna tilmaamay in Dhaash uu ka ciyaaray door drama aad u muhiimsan sida ay ula dagaalami lahaayeen argagaxisada iyo seeflaboodka ama mayalka adag ee siyaasadeed.
Zizo Haji
info@jilaa.com