8105

Sherine oo ku Guuleysatay xiddigta heesaha Carabta


2011-06-28 05:51:31

 

Fanaanada carbeed ee caanka ah una dhalatay dalka Masar Sherine Cabdalwahab ayaa ku guuleysatay abaalmarinta xidigta xeesaha Carabta inta lagu guda jiray dabaaldagyo waa waayen kaasoo lagu qabtay galabtii Khamiista eheyd ee lasoo dhaafay mahrajaankaan oo lagu magacaabo Miyorkas kaalintii 11 aad ayaa ka dhacay (Cazino lubnaan) ee dalka Lubnaan


Sherine Abdelwahab ayaa sheegtay iney aad ugu faraxday ku guuleysashadeeda baal marintan waxayna u hadiyaysay dhalinyarada kacdoonka 25 janaayo ee ka dhacay dalka Masar.


Sidoo kale waxaa halkaas abaalmarinta ku qaatay fanaanadda weyn ee iyadana Masriga ah Yusra iyo fanaanka Ahmed Iza abaalmarinta kaalinta koowaad ee doorkooda sanadka 2010 waxeyna sidoo kale u hadiyeeyeen abaalmarintooda shacabka reer Masar.


Waxaa kaloo sidoo kale ka qaadatay meesha awaal marinta fanaanada Suuriyaanka ah Suulaaf Micmar qaadatayna abaalmarinta atariishada ugu fiican carabta waxaa kaloo la loolameysay faaniinkale abaalmarinta ay kamid yihiin Kindah Calosh iyo Hinda sabri iyo Saabirin
Fanaanada Sulaf micmaar ayaa abaalmarinteeda u hadiyeeysay shacabka Suuriya.


sidoo kale waxaa ku guuleystay abaalmarinta fanaanka weyn Wael Kafuri asagoo qaatay abaalmarinta fanaaka ugu fiican heesaha Lubnaan sanadka 2010 kuna qaaday heestii (Shuu Qiima Nadrah law shuft kolli naas)  waxaa kaloo la loolamayay asagana fanaaniinta kala ah Caasim Al Xalaani , Nancy Cajram , Najwa Karam iyo Jozef Catiya waxay ku guuleysatay aktarada Baamil kiik abaalmarinta aktarada ugu fiican dalka Lubnaan musaacid asagana wuxuu ku guuleystay abaalmarinta aktarka ugu fiican lubnaan kaalinta caawiyaha Cisaam Biriidi.

Zizou Haji
info@jilaa.com

0
BAARGAAL - 2011-06-28 07:29:56 RUNTI AAD BAN UKU FARAXSANAHAY SHERINE ABDI WAHAB WA FANANADA KALIYAH AAN UKU JECLAHAY FANANINTA 3ARABTA VIVA SHERINE(k)(l)
0
yuu_love - 2011-07-02 11:34:29 mansh alah ayaan ayaan ugu farax sanahy manta in ey kala qadaa labada dhinac libnaan iyo masar sherine iyo wael kfoury waxaana lee yahay mabruuk
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
Please, use one email and name all the time, pretending multiple users might cuase you to be banned from Jilaa Comments.
 
 
Halle Berry: Quruxda Dumarka Madow iyo Hollywood