|
|
3776 | Tweet |

Atriishada Bollywoodka ee Ameesha Patel ayaa waxey saxiixday inay keento filimka Race 2 kaasoo ah mid uu Directorka Abbas Mustan uu qeybtiisa labaad soo saarayo maadama hore loo jilay Filinka Race sanadkii 2008.
Filimkan ayaa waxaa iskugu yimid oo ka wada qeybgalaya Jiliyaal badan oo kala ah Anil Kapoor oo aktarka ah , John Abraham , Saif Ali Khan , Deepika Padukone, Sonakshi Sinha iyo waliba Chitrangda oo Amisha Patel dhawaan laba la keenay.
Ameesha ayaa waxaa la sheegay inay filinkan aad ugu sii qurxanaan doonto filimadii hore iyadoo laga sii shaqeeyay maadaama ay tahay atariishada filimka waxaana ay isla matalayaan iyada iyo Anil Kapoor labada qof ee filinka hoggaaminayo waxaana filinkaani race 2 uu noqon doonaa mid ka xiiso badan qeybtii koowaad Race maadaama technologiyada sii hormartay iyo qisada filinka oo lasii weyneeyay.
Amisha Patel ayaa waxey ka aamusaneyd filimada muddooyinkaan dambe iyadoo gaabisay filimada ku hadla afka Hindiga balse haatan waxey kusoo laabaneysaa filimka Race 2 waxaa uu soo bixi doonaa Bisha October ee sanadka xiga .
Jilaa.com
info@jilaa.com