|
|
2246 | Tweet |

Fanaanka Xuseen Cali oo loo yaqaano Miiraale ayaa soo saaray muuqaalka Heesta 'Ladan' oo ah hees aad u macaan badan, waxaana sameeyay Miraha heesta Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed 'Maxamuud Cabdulaahi 'Sangub' oo la dhihi karo waaba Macalinka soo saaray Fanka Miiraale.
Miiraale ayaa ah Fanaan Boos wanaagsan ku dhax leh Fanka Soomaalida codkiisa aad loo jecelyahay, waxa uuna kamid yahay fanaaniinta kusoo shaac baxay qurbaha ama dalka dibadiisa waxa uuna ku noolyahay Dalka Mareykanka.
Heestaan ayaa ah Jaceyl waxa ayna xambaarsantahay erayo markii aad maqasho dhuuxa ku dhalaalinaaya iyo weliba laxan wanaagsan, bal hadii aan miraha wax idinkaga soo qabto waxaa kamida 'Ladabadeyda dhiig kacabaad lushood ku lamaantehee, yana noqon luluma laaskii ka guray, qalbiga lahashada kadaa Timaha leydha iiga celi lugaha xaragada u badi leeg leega anoo ku jecel, hey lulin ilulin ladaney ilulin.
Halkan Ka Daawo Heesta Ladan
Alamtara Haji
info@jilaa.com