HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
8433
Nimco Dareen oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay dhaantana ku tuntay
2011-09-30 21:31:54



Fanaanada Nimco Dareen oo lagu naaneeso Boqorada Dhaantada ayaa waxey ku laabatay dhulka asal ahaan kasoo jeeddo ee Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga iyadoo Nimco Dareen loo soo dhaweeyay si aad u heersareysa waxaana garoonka ugu yimid wasiirro iyo mas'uuliyiin xilal sarsare ha haya Dowlad federaalka Itoobiya.

Nimco Dareen ayaa kadib waxaa ay ka tuntay magaaladasi iyadoo sidoo kalena hees muuqaal ah la sameysay Fanaanka da'da yar ee Soomalida Itoobiya  ee Cali Bashiir oo caan ku ah dhaantada cusub waxaana heestaas lagu sawiray dhulka miyiga ah ee Soomaalida Ethiopia oo ay ka muuqato barwaaqo iyo horumar.

Nimco Dareen ayaa waxey ka mid tahay fanaaniinta qurbaha kusoo nooleeyay muusiga iyo ciyaarta Dhaantada, iyadoo wadata hidaheeda inkastoo iyadoo da'yar ay soo gashay Yurub hadana ma hilmaamin dhaqankeeda iyo hidaha ay kusoo barbaartay.

 

 

 



Halkaan Ka Daawo Dhaantada Nimco Dareen iyo Cali bashiir





Jilaa.com
info@jilaa.com

IDMAN - 2011-10-01 05:54:04 haa haa walee wa codmahan tahay sifican waxanba uladhacay sida gabadhan cida iyo dhaqanka uheesato sida lashegana ayada oo yar yurub timid misna aad umalesid waliged ineesan dalkeda kasotagin dadkoo meshana waxad arkaa qof 1 sano joogo ooba iska dhik dhigaa qof soomaliga xitaa dhib ku ah kkkkk marka ay kulashekesanayaa nafta waxa ay kaaga qaadayaan een een een een lee kujiraan maanta dhan.kkkkk yaa somali kafaanay
cabdi r0yal - 2011-10-01 06:03:44 dowlo dheh yaqeee waaaaba ku heeeesta heseheeeda cml lolz
saadaq - 2011-10-01 06:47:43 cali bashiir kama liito nimco fanaan tagay jigjiga oo aan hees la,qaadin ma jiro
sahro - 2011-10-02 10:21:57 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk nimco dareen waa ka baxsatay dhaanto yaah qatar iga dheh jilaa fadlan kuwo kalena hadaad haysan soo galiya waxaan aad u xiseeyaa dhaantada waayo waa hidaha iyo dhaqanka somalida markaad dhagaysato waxaad moodaa adoo somaliya joog waxaan is horkeena wadankii waxaan niyeystaa anoo geedo hoos wadhiyo waxaa horteeyda imaado geel lo ari kkkkkkkkk iyo dooro ilaahow wadankeena nabad nooga dhig aamin aamin aamin ilaahow iga aqbal
sumeyo - 2011-10-02 10:26:43 wiilka dhaantada tumaayo waan dhegaystay dhaantoyinkiisa fadlan waxaan ka codsanaayaa inoow dhaanooyinka noo soo badiyo fanaanintana waxaan ka codsanayaa iney yareeyaan heesaha kale ay u jeestaan dhinaca hidaha iyo dhaqanka
SHUU SHUU - 2011-10-02 22:20:23 WWWW cadi mahan viva dhaqankena ilahow somali nabad nooga dhig
Abdikarim Ali - 2011-10-05 11:25:09 eshcalaa fanaanad waa fanaanadii aan taageeri jirey, maasha allah mar haday dhulkeedi timi oo u heesayso
Xamdi c.dule - 2011-10-06 10:13:36 Dareen weyka baxsatay
aar libaax - 2011-11-05 15:11:01 asc dhamaan sxbta jila iyo boga jilaaba ad ban ula dhacay dhaantada cali bashiir iyo nimco dareen dhaantada waxa aabo iyo hooyo u ah gobolka ogadeniya ama gobolka degaanka somalida nin walba su u yaqan mida kale gabadha sahro wadata ayan raba in aan saxo dhaantada lagama ciyaaro somaliya somaaliya waxa laga ciyara jandheer batar saar iyo ciyaara kale oo badan lkn ciyaarta dhaanto waxa aab iyo isir uleh gobolka ogadenia somalida wa si xun wax u fahan yanan qabiil lo,fahmin wad salaman tihin mar kale
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween