Celebrity News

Nimco Dareen oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay dhaantana ku tuntay

width=575



Fanaanada Nimco Dareen oo lagu naaneeso Boqorada Dhaantada ayaa waxey ku laabatay dhulka asal ahaan kasoo jeeddo ee Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga iyadoo Nimco Dareen loo soo dhaweeyay si aad u heersareysa waxaana garoonka ugu yimid wasiirro iyo mas'uuliyiin xilal sarsare ha haya Dowlad federaalka Itoobiya.{loadposition user4}

Nimco Dareen ayaa kadib waxaa ay ka tuntay magaaladasi iyadoo sidoo kalena hees muuqaal ah la sameysay Fanaanka da'da yar ee Soomalida Itoobiya  ee Cali Bashiir oo caan ku ah dhaantada cusub waxaana heestaas lagu sawiray dhulka miyiga ah ee Soomaalida Ethiopia oo ay ka muuqato barwaaqo iyo horumar.

Nimco Dareen ayaa waxey ka mid tahay fanaaniinta qurbaha kusoo nooleeyay muusiga iyo ciyaarta Dhaantada, iyadoo wadata hidaheeda inkastoo iyadoo da'yar ay soo gashay Yurub hadana ma hilmaamin dhaqankeeda iyo hidaha ay kusoo barbaartay.

 

width=556

 

width=558

 

width=554



Halkaan Ka Daawo Dhaantada Nimco Dareen iyo Cali bashiir


{youtube}kEhM4kZBCMM{/youtube}



Jilaa.com
info@jilaa.com
{loadposition user7}

RELATED