HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
1564
Saalim Saciid Saalim iyo Kooxda Layaab oo Abaaraha ka Qeyliyay
2011-10-03 13:54:22

 

Kooxda Layaab ee Soomaalida ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa ayaa soo saartay hees cusub oo ka hadleysa abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya , iyadoo heestan ku baaqeysa in La taageero dadka gaajeysan ee ku dhamaanaya dalka.

 

Heestaan ayaa waxaa mireheeda iska leh abwaanka weyn ee Xamariga ku caanbaxay ee Cabdulqaadir Nuuraani iyadoo uu heestaan ku luqeeyeen  Fanaaniinta Layaab uu horboodayay Fanaanka ahna Musikiistaha Saalim Saciid Saalim oo ah fanaan wadani ah, iyadoo uu ka dhexmuuqdo heestan Fanaanka Sheekh Abuukar Sheekaale oo caan ku ah ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

 

Heestaan oo halku dhageedu yahay Abaarta Hala Soo Baraarugo , ayaa noqaneyso tii labaad ee waayahan u soo baxdo oo wadani ah iyadoo horay uu usoo saaray heesti laga daba dhacay oo qiirada laheyd oo ka ilmeeysiisay dad faro badan oo ka mid ah fanaaniinta heesta wax ka qaadaayay.

 

Hadaba Jilaa.com oo aad uga barateen wax walbo oo fanka ku cusub in aad ka heshaan goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa wararka kale ee Fanaaniinta ku sugan UAE iyo dalalka kale ee Soomaalidu ku nooshahay.


Halkan Ka Daawo Heesta Abaarta Ee Kooxda Layaab.

 

 

Sakariye Haji Hashi

info@jilaa.com

 



sahro - 2011-10-03 15:08:10 hala soo baraarugo walaahi been ma ahan inaan somaliyeey dadaalka dadaal ku darno waaye raashinka badan cunistiisa la joojiyo dalabaadka maqayadaha la joojiyo waa inaan walaalaheen la bahanaa ilaahey baryadiisa la badiyaa dadjiro ayaan aheen aduunka hada sumcad kuma lihin wadankee kasoo jeeda markii lay dhaho waan xishoodaa markaan idin leeyahay waan xishooda ma ahan inaan wadankeyga ka faanayo ee waa marka ley dhaho maxaad isku dilaysaan dad isku af ah hadana kuligood muslin ah ayaad tihiin waan yaxyaxaa oo jawaabta ayaan laqaa maalin waxaa dhacday in schoolka aan dhiganaayey la isku xujeeyo ama suaal layskaga dhigey sheega wadanka afrika hada gaajada la taahayo walaahi waan ooyey sida in geeri la isoo sheegay ilaahow wixii dhib wado adaan kugu dacweyney
IDMAN - 2011-10-03 16:56:38 SAHARO shib dheh..aduunka ayaan ku urnay anaga oo nool calashan ceeb darteed waxasna cidkale naguma dhigin waa anaga dhexdeena uun alle umadan ha umiciino kuwa dowlada sheganaya maanta ee adunka dhan lacak ama raashiinka oo usoodhiibo baqarada ku guranaya masaakiinto..shabaab dhuun qabtana aan siineyn ooo tiin tiinki hunguri kadhiktay ayagana alle hanagaqabto wax noronn umasheedno labada dhinacba alle hanagasoogaro
sahro - 2011-10-04 03:37:52 idman abaayo waxaan la yaabanahay nimanka dowlada isku sheegayo iyo kuwa shabaab la dhahaayo labadaba ilaahey umada ha ka qabtaa ma xishoodan miyaa dowlado asagood eh ayey tuugsanayaan beesadaleyrabaan umadan ma sinayaan teedakale naag bahan oo la fuulay dawlada afgaduud le lagu arkey cunugyar oo bahan oo gacan laga gooynaayo qoonka somali cirib tiray lee lagu arkay teeda kale ninka shiiq shariif la dhahaayo lacagtii masakiinta loogu tala galey diyaarad racoow oow ku dhameeyay soco dheh xaqooda hakaa soo baxee meesha wax fiican kuma arag tiibisho haka qadane
kkkkkkkkkk - 2012-01-30 03:46:51 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween