6398 | Tweet |

Fanaanka Saalim Siciid Saalim oo ay heestani oo lagu Magacaabo Qiiro ku qaadatay in uu sameeyo mudo ku dhaw sanad nasiib wanaagse waa uu ku guuleestay oo heesta waxa ay noqotay hees la wada jeclaaday qof walbo oo daawadana uu la il meeyay ama uu la qushuucay qiirada ay wadato darteed.
heesta waxa ay udheceesaa qaabkaan hoos ku qoran.
Calanka (Qarboosh) oo dhibana ah ayaa sheegaayo sida uu ahaan jiray sida uu noqday isla markaana rabo in uu qarka iska tuuro.
Qareenka (Saalim) oo ka hadlaayo dayacnaanta haysato dhibku uu ku jiro in ay sabab u yihiin dadka uu ka dhashay oo kala qeebsanaanta ka door biday isku duubnimada.
Shacabka (Kooxda) oo ay ka dhex muuqdaan Fanaaniinta Muslimo Qaasim Hilowle, Xasan Cagaaran, Jini Ishumi iyo qaarkale ayaa ku jawaabaya calankan qaayaha lahoow Qudheena barkiisa waxaan kuu qabnaa jaceyl hadeey caano daataan ileen dabadood la qabay waxaan dirnay qeeylodhaan sadaal wacan baan qabnaa sidaa ku calool qaboow ayeey ku dajinaayaan.
Yaa sameeyay heesta yaa laxanka saaray maxaa ka ooysiiyay fanaaniinta ? waxaan ka wareysaney Saalim Saciid Saalim.
Halkaan ka daawo Wareysiga
Halkaan ka daawo Heesta Qiiro
Sakariye Haji Hashi
info@jilaa.com