Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Rooble Cali (Dayax) oo mudooyinkan danbe dhanka fanka ka maqnaa ayaa dib boorka ugu jafay dardar gelintii Heesahiisa lagu yaqiin.
Axmed Rooble Cali oo ku nool dalka Itoobiya ayaa waxaa uu soo casriyeeyay Heesahiisii hore ee caanka ahaa, iyadoo Muusik casri ah lagu raray heesaha uu iminka soo qaaday, waxaana ka mid ah Heesaha uu qaabka casriga ah u soo garaacay Heesta Caddale ee caanka noqotay, taasoo leh taageerayaal badan.
Heesta Cadale ayaa dad badan ay ku macneeyaan hees fannaanka saameysay hase ahaatee waxaa idiin soo gudbin doonaa warbixin aan idin kaga heyno Fannaanka iyo dhacdo xanuun badan oo Fannaanku uu la kulmay, taasoo marka aad aqrisao ama aad dhageysato qalbiga ku xanuuni doono.
Fannaanka ayaa Heeso fara badan ka sameeyay dhacdo xanuun badan oo uu la kulmay inkastoo iminka aan jecleyn inaan faah faahiyo waxa ay tahay dhacdadaasi balse qormooyinka danbe aan ku soo bandhigo doono
Dhowr Heesood oo uu fannaanka lahaa ayaa boob iyo bililiqo loo geystay, waxaana uu fannaanku uu sheegay in amar la'aan ama idin laga heysan fannaanka iska leh heesaha la coppy gareeyo aysan wanaagsaneyn, wuxuuna ka codsaday Fannaaniinta heesaha islaameed qaada in ay soo weydiistaan idin.
Axmed Rooble Cale oo ka mid ahaa Fannaaniintii hore ee heesaha hirgalay ku soo baxay waxaa uu ku luuqeeyaa heeso fara badan, waana laxamiiste, Muusikiiste iyo hal abuure intaba isku darsaday.
Halkan ka daawo Heesta Cadale iyo qaabka casriga ah ee loo garaacay:
IDMAN - 2011-10-10 13:20:50 yaasalaam ish calaa hees heesaheenaan ayaaa kuleh jilaaaaaa thk
maanka - 2011-10-10 17:46:02 waw fanaankaan caadi mahan iyo heestaan oo waxaa ey ka hadleysaa jcyl iyo daagaanbo haa waa rubtisa fanaanka ee fanka coppy waa in laga dhafaa hadii kale nuxur yeelamaayaan kkkk idman oo maanta wax taageereyso yaabo heli karo ka bax
cabdi royal - 2011-10-11 01:44:09 ka bax dheh yaqe iska heeees bro sas waaye cml majirto lolz
Nl gangst - 2011-10-11 10:58:54
sumeyo - 2011-10-13 05:03:18 heesahaan habraha waqtigooda qaaty aa jecel
moohat - 2011-11-17 11:10:26 woooooooow heesta waa okey lkn waxaaa larabay in uu heestya ka saro cadale kuma fiicneeyn