|
|
2902 | Tweet |

Jilaaga ku caan baxay Action-ka ee Bollywood Akshay Kumar oo caan ku ahaa sanad waliba inuu keeno filimo tira badan ayaa sanadkan 2011 oo dhan jilay laba filim oo mid ka mid ahi uu soo baxayo dabayaaqada Bishaan November, waxaana filinkaasi lagu magacaabaa Desi Boyz iyadoo ay isla wadaan John Abraham , Sanjay Dutt iyo jilyaal kale. waxuuna Akshay sheegay in filimkaasi uu noqon doono mid uu ku soo shartago uuna yahay filim uuku kalsoonyahay maadaam ay waqti iyo juhi ay galiyeeen.
Akshay ayaa sanadkan waxuu sheegay inuu ahaa sanadkii ugu mashquul badanaa waligiis maadaama uu matalayay filimo badan oo sanadka soo socda soo baxi doona Sida Housefull 2 iyo Rowdy Rathore , oo u rajeynayo inay noqon doonaan Blockbuster, sababtoo ah waxey iskugu jiraan Comedy iyo Dagaal sidoo kalena waxuu duubayay Barnaamijkii taleefishanada ka baxayay ee uu daadihinayay ee Fear Factor ama Khatron Ke Khiladi.
Waxaa Akshay Kumar la is weydiiyay halka uuku dhuuntay laakiin waxaa wareysigan uu siiyay saxaafa uu ku kashifay inuu shaqo adag hayay uuna taageerayaashiia ka farxin doono sanadka xiga.
Halkan ka Daawo Heesta Desi Boyz
Jilaa.com
info@jilaa.com