|
|
2420 | Tweet |
Heesaaga caanka ah ee u dhashay dalka Mareykanka, kuna luqeeya heesaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaan 'Rap' ayaa wajahey tabaryari iyo dawaqmid.
Heesaaga aya miyirka beeley maruu u kala duulayey Ft. Lauderdale iyo Memphis, Florida maalinti shalay. Halkaasi uu habeenki rabey inuu ku qabto xaflad. Diyaarada uu ku soocdaalayey Rick Ross oo ah mid u khaasa ayaa si lama filaan ah loo dajiyey kadib markuu fanaanka wacyiga beeleey. Qof la saarna diyaarada ayaa sheegey in arintan dhacday wax yar kabacdi markey diyaarada hawada gashay, wuxu intaas ku sii daray in dadki la saarna diyaarada ee kuligood ka kaceen kuraastoda si ey ugu sheegan duuliyaha inuu diyaarada dajiyo. Dhakhatirta isbitaalka la geeyey ayaa sheegey inuu caafimaadkiisa wanaagsanyahey. Islamarkiina Ross safarkiisa ayuu sii watey, balse mar labaad ayuu wacyiga beeley markey diyaarada cagaha ka qaaday garoonka. Waxaana islamarkiiba lagu soo celiyey isbitaalka.
Ross oo 35-jira ayaa laba mar wacyiga beeley hal maalin oo qura. Fanaanka baa haatan lagu daweynaya isbitaal Birmingham, waxa wararka isa soo taranayana ee sheegayan in ey xaaladiisu sugantay waqtigan xaadirka ah. Qaraabadisa iyo tagarayaashiisa aya aad ug carooday arinkan. Si kastaba ha ahaate, dhacdadan wax fal ah kuma lahan mukhadarad uu qaatay Ross ama uu cabay, balse waxa lagu xamanaya in ey sababtay culeyskiisa oo aad u badan taaso caafimaadkisa wax u yeeli karta siiba wadnaha.
Rick Ross waxa uu fanka si weyn usoo galay 2002, laakinse wuxu si aad ah u soo ifbaxay 2006 asoo ku xirtay DJ khalid iyo Lil wayne. Markas waxa uu soo saray albumkiisi ugu horeeye oo la magac baxay Port of Maimi, isbuuci ugu horyeey ayuu iibey wax ka badan 187k oo copy. Waxyaabaha uu Ross caanka ku yahey ayaa ah magaciisi asoo ku magacdarsaday Ricky Donnell Ross oo aha nin 80dii ka ganacsan jirey mukhaadaraaka iyo maandooriyaasha mamnuuca ah. Taas oo uu ku eedeeyey Donnell in Rick Ross magaciisa amar la'aan u isticmaalay.
Hani Sarkaal
Jilaa News
info@jilaa.com