|
|
5552 | Tweet |

Fanaanka Da'ada yar Ee Axmed C/kariin Maxamed ( BIIF )Ayaa Ka Soo Dagay Garoon Caalamiga ah TOMBO INTERNATIONAL AIRPORT ee Magaalada Johannesburg Dalka Koofur Afrika oo Qiyaastii 40 kiiloo Mitir u jirta Xaafada Soomaalida ay Ku badatahay ee La yiraahdo Mayfair.
Boqolaal Soomaali Ah isugu Jira Ganacsato Iyo Dhalinyaro ayaa fanaanka waxa ay ugu hortageen garoonka diyaaraha ee magaalada Johanseburge kuwaasi oo wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo reynreyn iyadoo fanaanka Axmed Biif ugu mahadceliyay sida weyn ee loogu soo dhaweeyay South Afrika safarkiisa kowaad ee uu ku yimaado,
Kadib imaatanka fanaanka ayaa waxaa loo soo galbiyay Hotel NURA INTERNATIONAL Hotel oo ka mid Hotelada ugu bilicda wanaagsan magaalada Johanseburge isagoo casho sharaf kula qaatey Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika ee (SOJSA)
Fanaanka Ayaa Waxaa Si gaara U casuumay Suura galshayna inuu Imaado Dalka K/afrika Ganacsade Axmed Maxamed Cabdi (Axmed Yare) oo ka Mid h Ganacsatada ugu Cad cad Waqti Dheer Haminayay In uu Shacabka Soomaaliyeed Baahidooda Daboolo,
Hadaba Fanaanka ayaa la rajeenayaa inuu dhawaan la ciidi doono Ummada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka K/arika.
Waa markii ugu horeeyey oo uu fanaanka Axmed Biif soo gaaro Dalka South Africa waxa uuna noqonayaa Fanaankii Sedexaad ee imaada gudaha dalka Koonfur Afrika , Fanaanka oo la rajeynayo inuu Maalmaha soo socda Bandhig faneedyo waaweeyn ku qaban doono Magaalooyinka Ugu waaweeyn dalka South Africa.
Bandhig Faneedyada uu fanaanku ku qaban doono Magaalooyinka Johannesburg, Cape Town, Port-Elizperth, Hebeenka Ciida Carafo ayaa waxa la rajeynayaa inuu Fanaanku Laciidi Doono Soomaalida ku dhaqan Johannesburg halkaasna Bandhig weyn lagu qaban doono isagoo Garbihiisa soo istaagi Doonaan Fanaaniinta Ku dhaqan Gabi ahaanba Magaalooyinka Dalka.
Abdulfatah Sablale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com
Hoos Ka Daawo Sawirada Soo Dhaweynta