HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2364
Saif Ali Khan waxaa loo Caleemo Saaray Madax dhaqameedka Pataudi.
2011-11-03 20:13:40


Jilaaga Saif Ali Khan oo ayaa loo caleema saaray inuu noqday Nawaabka ama ugaaska 10-naad ee Pataudi oo ah deegaanka uuka soo jeedyo, waxaana jagadani hayay Aabahiis Mansur Ali Khan oo geeriyooday Bishii lasoo dhaafay.


Odayaal ka kala yimid degaano badan ayaa xafladaasi caleema saarka ah ee Saif lagu duubayay kasoo qeybgalay waxaana Saif Ali Khan loo xeray cimaamad cad oo lagu magacaabi pagri taasoo ay dhaqan ahaan u leeyahin dadka uukasoo jeedo, waxaana ku waajibtay Saif inuu ka odayeeyo deegaankaas , uuna ku darsado, kana shaqeeyo waqtiyada uusan aflaamta jileynin.

Munaasabaddaan oo ka dhacday Qasriga ay Familka Saif halkaasi ku leeyahiin ayaa waxa kasoo qeybgalay sidoo kale Wasiiro ka socday dowlada India , Saif hooyadiis oo lagu magacaabo Sharmila Tagore iyo waliba labada gabdhood ee la dhashay ee lakala yiraahdo Soha iyo Saba.

Saif ayaa waxaa ku adkeeyay jagadaan qoyska iyo reeraha uukasoo jeedo waxaana dhaxal ahaan loo siiyay kadib dhimasahda aabahiis oo ahaa Shaqsi laga tixgeliyo dalka India , isagoo ayaa kabtankii qaranka India ee Kirikitka isagoo usoo cayaaray ilaa 21 jirkiisii markaasuu u noqday kabtan.

Saif iyo Hooyadiis Sharmila tagore oo ku sugan xaflada


Jilaa.com
info@jilaa.com



 

ibrahim - 2011-11-03 21:03:14 congratuletion
ibrahim - 2011-11-03 21:13:23 Hi hambalyo saif ali khan he is great actor and he is peace full he can continue this so horey ayaa waxaa loo yiri nin masuul qaaday eed qaaday ilahey ha kula garab galo bye
nasri - 2011-11-04 07:24:02 yeeh congratuletion seif ali and good luck
aniag - 2011-11-04 12:22:35 saif kareena markaan hawada udir wasaqa,nin madax baa noqotay katrena faif iyo priyanka ka agqaraabo hhhhhhhhhhhh
ajaaja - 2011-11-05 03:53:09 saif kaaba qabiil aas noqday cajaaib yaa kuu niikinaa abaa
sumeyo - 2011-11-05 16:35:42 yaah sheekada somalida camal eykasayaan yaah beela waaye
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween