|
|
2951 | Tweet |

Jilaaga Shahrukh Khan ma ahan mid ku eg Ra.One kaliya sanadkan ee waxaa bisha soo socota usoo baxaya filinka uu aktarka ka yahay ee Don 2 , kaasoo ah waliba filin action thriller ah , iyadoo King Khan ay la waddo atriishada Priyanka Chopra , waxaana soo saare ka ah Farhan Akhtar waxaana filinka uu kusoo baxayaa 3D iyo waliba luqado badan.
Shahrukhan iyo Priyanka oo sii daayay isbuuc kahor Goos gooskii Filimkani ayaa waxaa haatan lagu soo sawiray kaartada ama posterka filimka oo aan wali soo baxin , waxaana Priyanka iyo King Khan ay u muuqdaan kuwo usoo tafa xeytay inay burburiyaan filimada la tartamaya taasoo lagu cadeeyay kaartada iyadoo lagu dul dhigay "The King is Back" oo macnaheedu yahay Boqorkii Bollywood dib ayuu usoo laabtay oo oola jeedo Shahrukh ....taasina waa fariin culus oo loo dirayo dhamaan inta jilaa ee Bollywood.

Waxuu Shahrukh Khan ku kalsoonyahay filimadiisa isagoo hubsaday waayahan inuu abaalmarinada iska xaabsado , tanina waxey fursad u noqoneysaa Priyanka oo iyada snadkan flop ka baxi waysay balse hada ay soo garab istaagtay Jilaaga laga cabsi qabo ee Badshaah ama King Khan.
Filimkan Don 2 ayaa waxa uu Shahrukhan ku matalayaa nin hogaaminayo Gaangister ama tuugo ciyaal suuq ah balse markii dambe uu Priyanka kala kulmayo jaceyl daran kaasoo uu kaga harayo nolosha fowdada badan ee ku noolyahay markas.
Inkastoo ay filimada Shahrukhan ay u qeybsamaan dhowr nooc sida Qosol, Qisooyin dhab laga matalay, Dagaal hadana Jaceyl kama marnaadaan maadaama uu wajiga Shahrukhan yahay mid u sameysan qaab romantik kaasoo ku abuura dadka daawanaya filinka calool xumo iyo dareen jaceyl, hadaba aanu aragno waxa uu la soo laabto Boqorka Bollywood Shahrukhan.
Daawo Goos-gooska ugu xiisaha badan Don 2
Jilaa.com
info@jilaa.com