|
|
5615 | Tweet |

Sidii looga bartay Fanaanada Nimco Dareen markale soo saartay hees Dhaanto nooca casriga ah , waxeyna Nimca kasii daysay heestaan Barmaanijkii Habeenkii Ciidda ee Tv-ga Universal.
Heestaan oo halkudhageeda yahay Calaf ayaa noqotay mid xaadda istaajisay dadka ku raaxesyta heesaha Dhaantada waxaana erayada sameeyay wiilka da'da yar ee waayahaan dhaantada looga haray oo lagu magacaabo Cali Bashiir kaasoo ah fanaan ku nool magaalada Jigjiga halkaasoo Nimco dareen ula qaaday heestii Gaardi ee dhaantada aheyd iyana , uuna ugu soo sameeyay heestaan Cusub xili ay booqasho ku mareysay maalmahii lasoo dhaafay.
Boqoradda Dhaantada Nimco Dareen ayaa waxaa ka mid ah erayada ay ku dhawaaqeyso heestaan "Caadilow Alloow calaf waa mar qura ee yarki aan calamaday intaan ciida galin cunto wada cunaa...intaan ciida galin caano wada dhannaa" , iyadoo Jiibtana si macaan badan ay ula raaceen Kooxda Wadani Stars ee Soomaalida Itoobiya.
Halkaan ka Daawo Heesta Calaf ee Nimco Dareen
Jilaa.com
info@jilaa.com