|
|
1880 | Tweet |

Fanaanadda Maryan Mursal Ciise ayaa shaaca ka qaadday in magaceeda lagu isticmaalo facebook, iyadana aysan ahayn qofkaas.
Fanaanadda oo marti ku ahayn barnaamij si toos ah uga baxay TV-ga Universal oo baahiyay bandhig faneed lagu soo dhaweynayay sanadka cusub ee 2012, waxayna xustay in aysan iyada ahayn qofka facebook isticmaala.
Maryan Mursal ayaa hadalkan sheegtay kaddib markii Wariye Aamina Muuse Wehliye oo barnaamijka daadihineysay ay kula kaftantay in ay facebook ku aragtay magaceeda, dabadeedna ay ku darsatay hayeeshee dhowr jeer oo ay la hadashay ay u jawaabeysay. MArkaas ayay fanaanadda sheegtay in aysan iyadu ahayn qofka cinwaankaas leh.
“Aniga facebook ma isticmaalo, waayo waxaan ahay qof 60 jir ah oo sodoh ah, marka waxaan kaa codsan lahaa dadka magaceyga facebook ku isticmaala in aysan magaceyga facebook ku isticmaalin”ayay tiri Maryan Mursal Ciise.
Fanaanadda Maryan Mursal kaliya ma ahan ee waxaa jira fannaaniin kale oo magacooda ay facebook ku isticmaalaan dad aanan ahayn fannaaaniintaas, iyadoo dadkaas aan la ogeyn sababta ay u isticmaalayaan magacyada fannaaniinta iyo ujeedka ay ka leeyihiin intaba.
Salaad Xiis
Jilaa.com
