|
|
4197 | Tweet |

Atariishadaan lagu magacaabo Aisha Takia waxa ay kamid tahay jilayaasha da'da yar ee Bollywoodka waana gabar muuqaal qurxoon eeba ugu deeqay iyadoo filimo la jishay atoorayaal kala duwan oo caan ka ah shirkadaan, waxaana kamida sedaxdaan actors ee Salman Khan, Akshay Khanna iyo Shahid Kapoor. 
Inkastoo marka la eego filimada ay lajishay ay kala duwanyihiin hadana waxaa lagu qiyaasi karaa midka ay ku nuureyso sedaxdaan ruux sawiradii laga sameeyay xiliyadii ay lameteleysay Filimada, iyadoo aad ka dareemeyso Aisha dareen gaar ah marka ay jilayaashaan gooni gooni ula joogto, wexeyna kamid tahay Aisha gabdhaha lagu tilmaamo quruxda ama muuqaalka soo jiidasha leh ee Bollywoodka.
Ujeedada qoraalku maaha in aanu tartamsiino sedaxdaan jilaa balse waxaanu uga goleenahay in aad nala daawataan muuqaalada sedaxdaan ruuxi ay la sawiranyihiin Aisha kedibna aragtidaada aad ka dhiibato midka la dhihi karo isaga ayaa ku nuuraaya Aisha Takia.
Jilaa.com
Info@jilaa.com