HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2553
Hodon Cabdiraxman Dhere Heesta Amoore Muuqaal Quruxbadan Daawo.
2012-01-20 15:26:55

 

Fanaanada da'da yar ee Hodon Cabdirahman Dhere oo ah gabar aad u cod macaan ayaa waxa ay soo saartay muuqalka heesta Amoore oo ah mid aad u qurux badan, Hodon waxa ay kamid tahay fanaaniinta ugu shidan uguna codka macaan xiligaan, waxaana lagu tilmaami karaa Hodon in ay tahay boqorada codka.

 

Hodon waa dhal fanaan waxaana iska dhalay labada fanaan ee magaca  ifaaya ku leh fanka Soomaalida, waana Aamina Cabdilaahi iyo Cabdirahman Dheere, balse Hodon ayaan ka  liiday hooyada dhashay dhanka codka wexeyna leedahay sawt qariirad ah oo ku soo jiidanaya, iyadoo dadka qaar ay sheegaan in ay aad u shabahdo Hooyadeed dhanka codka.

 

Heestaan Amoore waa hees jeceyl ah waxaana muuqaalkeeedu soo baxay 20-ka bishaan, Jilaa.com oo mar weliba u taagan horomarinta fanka iyo fanaanka Soomaaliyeed, waxa uu idiin soo gudbinayaa wax kasto oo ku cusub fanka, iyadoo maanta miiska ay noo saarantahay fanaanadaan codka qurxoon ee Hodon Cabdirahman, Hodon waxaan leenahay hambalyo iyo horumar wanaagsan halkaas kasii wad  fanka.


Aniga si gaara waxa ii soo jiitay erayada heesta gaarahaan marka ay Hodon leedahay (Aas aaska nolowshow iridaha wanaagow, marna kuma il duufine iimaanka buuxshow kii lagu aflaxayow, asluub lagu bar baarshow, wey noo ahaatee arinkeenu waa guur, amorihii jeceylkow ii noqo midkaan rabay),.

 

yaasalaam Hodoney afkaada caano qabow lagu qabay waxaan filaa in uu kuu noqdo midkii aad rabtay oo weliba  waqti dheer aad isla qadan doontaan hobolka aad sidaas codkaada macaanta badan aad ugu baaqday, , Jilaa.com soo saaraha Fanka iyo Fanaanka.

 

Halkaan Ka Daawo Heesta Amoore.

 

 

Jilaa.com

Alamtara Haji

smokey - 2012-01-20 17:04:12 AI waan ka helay hestaan mcn!
ibrahim - 2012-01-20 20:24:37 in fact it's great song Hodon Cabdiraxman Dhere fanka dhaxal ayeey u heshay madama ay hooyada amina cabdillaahi Hobolada waa bari safka hore uga jirtay mustaqbal wanagsan iyo hormar weyn ayaan u rajeynayaa in ay fanka ka gaarto tnankz
Bari samaad qaraami - 2012-01-21 05:43:48 Waaaaaw waa hees waalan waan la dhacay
qanciye - 2012-01-21 06:04:20 aad iyo ayey oga baxsatay wey codmacaanyahay alla macaanaaa
qanciye - 2012-01-21 06:10:17 heesta mireeheeda bal si wacan iila dhuuxa Aas aaska nolowshow iridaha wanaagow, marna kuma il duufine iimaanka buuxshow kii lagu aflaxayow, asluub lagu bar baarshow, wey noo ahaatee arinkeenu waa guur, amorihii jeceylkow ii noqo midkaan rabay
jimcaale - 2012-01-21 10:43:35 WAA HEES LA DHAGEYSANKARIN FOOLXUMAA GABADHA IS ASTUR BAAN KU LEENAHAY AAQIRO ZAMAAN BAA LAGU JIRO
radwaan - 2012-01-21 10:57:42 waa fanaanad cod macaan hambalyo hodan heestana aad baan uga helay mahadsanid
Fare - 2012-01-21 22:30:09 Anigu guriga aay ku heesaayso baaba ku haaystaa
isse - 2012-01-22 12:04:40 asc dhamaan tiin. war illaahey ka baqa. oo illaaheey ka xishooda. maxaa gabadha u dhumineysaan. illaahey u barya in oow xaqa tuso. w.llaahi aad baan ugu xumahay in gabr islaam ah sidaan jirkeeda u qaawiso. ayadoo sharaf iyo magac ku radineyso. illaahayoow dhamaanteen xaqa natus . walaalayaal. aan walaaleesh iyo walaalaha kale iyo anagaba aan isku duceyno. in illaahey dariiqada saxdaha nagu toosiyo oo illaahey xaqa natus, asc wr wb
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween