HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2615
Maxaa La Gudboon Atariishadaha Bollywood ee Ka Gudbay 35-sano?.
2012-01-20 19:36:32


Waxaanu aragnay waqtiyadii ugu dambeeyay in inta badan soo saara yaasha Bollywoodku ay raadinayaan jilayaasha da'da yar oo aadka u fir fircoon weliba quruxduna u dheertahay, waxaana aad loo doorbidayaa atriishadaha shabaabka ah ee soo jiidashada ka sameyn kara shaashadaha.

Aishwarya Rai waxa ay ka gudubtay 35-sano wexeyna kamid tahay jilayaasha qatarta ugu weyn ku soo wajahantahay waxaana weerar ba'an ku haaya filimadii loo soo bandhigi lahaa gabdhaha ka dhalinta yar ee Katrina iyo Kareena, sababtuna wax kala maaha ee wey ka da'yaryihiin kana fir fircoonyihiin marka camirada lasoo hor joogsado.

Katrina waxa ay noqotay gabar boos gaara ku leh Bollywoodka waxa ay awoodaa in ay u ciyaarto sida qof muluqa oo kale waxa kale ay ay sameyn kartaa dowrka qof weyn, xitaa jamaahiirtu waxa ay u bateen xiiseynta dhalin yarada iyagoo si aad ah u jecel filimada ay jilaan dhalinta yar yar.

Ganacsatada wax soo saarta ee raba in loo xayisiiyo xitaa waxa ay door bidayaan in bandhigooda ay sameeyaan gabdhaha yar yar ee quruxda badan ee hada soo baxay, tusaale xayisiiska Shampoo (Pantene) waxaa sameyn jirtay (Sushmita Sen) waxaana hada la wareegtay Katrina Kaif iyadoo xayisiin kale kala wareegtay Aishwarya Rai.

Deepika Padukone waxa ay xayisiinta BSNL kala wareegtay Preity Zinta oo ka gudubtay da'da 34jir, Sonam Kapoor ayaa iyana hada qandaras lagashay shirkada waxyaabaha la isku qurxiya soo saarta ee 'L'Oreal' wexeyna ka bedeshay Aishwarya Rai, taasina waxa ay kuu cadeyn kartaa in Gabdhihii Qur qurxoonaa ee da'da yaraa ay weerar ku hayaan kuwii da'ahaan ka weynaa.

Atariishadaha booskooda laga dhacay waxaa kamida Rani Mukherji laakiin taasi maaha wax lala yaabo , hadii aan intaas uga gudubno dhinaca xiyisiinta bal aanu eegno dhanka filimada Shilpa Shetty waxa ay leheed barnaamij lagu magacaabo Big Brother wexeyna waqti kooban iska joojisay filimda markii ay ku soo laabatana waxa ay weysay wax filim u soo bandhiga kedibna wey iska guursatay maxaa yeelay wey soo qaadatay waqtigeedi.

Atariishadaha Bollywoodka ku jirta waxa ay heysataan waqti kooban waana in ay ka fa'iideystaan maxa yeelay waxa ay so galaan iyagoo yar yar oo da'doodu gaareyso 18-jir waxaana laga yaabaa hadii ay 30-gaaraan in suuqu ka xirmo maxaa yeelay mar weliba waxaa loo baahanyahay qof dhiigeedu shabaab yahay.

Wax yar aan taarikhda dib ugu laabano (Hema Malini iyo Rekha) waxa ay ahaayeen jilayaasha horbooda Bollywoodka laakiin markii da'doodu kor u kacday waxaa soo baxay (Sridevi kedibna waxaa timiday  Mdhory)  sidaas ayaana loogala wareegay boosaskii ay lahaayeen, waxaa hadana yimid (Aishwarya Rai iyo Rani Mikrajee) oo iyana boosaskii labadaan jilaa la wareegay iyadoo ugu dambeyn loo soo dhigatay boosaska labadaan jilaa waxaana hada u taagan Katrina Kaif iyo Kareena Kapoor taasina waa wax kamida nolosha aduunyada, waxaana maanta Bollywoodka hogaamiya Kareena, Priyanka, Katrina iyo wixii lamida.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

British - 2012-01-21 06:00:33 Ma ahan wax lala yaabo xitta Flim ku xiiso gooni ah ma yeelanaayo hadii uusan ku jirin Qof cusub oo la imaanaaya Taageeryaal Cusub mar walba waxaad u baahan tahay Taageerayaal kugu soo biira sidaas Awgeed waa in aad Hershaa Actoro kugu soo Biira si ay ula Yimaadan Jamaahiir Cusub Katrina Kaif & Kareena Kapoor ma ahan Gabdhihii ugu horeeyey ee sidaan oo kale u hugaamiya Bollywood ka maxaaa yeelay waana looga Horeeyey waana looga Dambeynaa
ZOOOZZKA - 2012-01-23 04:57:28 micnaha dadki fiica uguma dheregana qaabka aad usoo qorteen sida ay ukala horeeyaan atariishooyinka dad aad u faro badan ayaad ka tegteen oo ka qimo badan kuwaaan dambe. hema iyo rekha iyo dimple iyo amrita singh iyo neetu sing iyo jaya parada ayaa issku garaat ah micanaha aad ka hadleysaana waxaa idinka maqan rani iyo aishwariya iyo prety zinta ila aiyo hada boqortooyada wax ka qaaday malahan gabdhaha hada soo baxayna aflaam hit ah wax ku aaminaayo malahan ilaa ay la keenaanaktaro waaweyn, waxaad ilaawdeedn quruxleeyaashi neelam, poonam dhilon, reena roy, padmini, twinkle khanna, juhi chawla, qiimahoodi weli ma dhicin ee hooyooyin ayay noqdeen, kajol iyo madhuri iyo ayesha julka, iyo mamata kulkarni ayaa ilaa iyo hada xamaalan karaan , katrina iyo kareena oo kaliya bollywodka waa lagula heystaa, dia mirza iyo aisha rakiya iyo amrita rao ayaa joogaan,,,, sxb si sax ah noogu soo daabaca mahadsanid....
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween