HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
3517
Xiriirka Jeceyl ee Qarsoon ee Ka Dhexeeya Xidigaha Bollywoodka.
2012-01-21 14:29:12


Dhamaanyeena waxaanu ognahay in labada amoore ee ugu caansan Bollywoodka xiligaan ay yihiin Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor waxaa ka horeeyay Bipasha iyo John, Aishwarya iyo Abhishek, laakiin waxaa jira xiriiro kale oo badan oo ka dhexeeya xidigaha Bollywoodka iyadoo qaar yihiin kuwa qarsoodiya halka kuwana banaanka yaaliin, waxaana daaha idinkaga qaadeynaa maanta kuwa qarsoodiga ah qaarkood.

 

Jacqueline Fernandes iyo Sajid Khan:

Waxaa in badan ka hadlay labadaan ruux war baahinta oo hal hal u kala qaaday xaaladohooda, iyagoo daaha ka qaatay in Jacqueline markii ay kala hareen Bhara Nin  uu si aad ah ugu dhawaaday Sajid Khan wuxuuna jecelyahay jeceyl indha la,aan ah sida la shaaciyay.


John Abraham iyo Priya Marwah:


Waan ka xumahay kala harkii ka dhax dhacay John iyo Bipasha xiriirki 8-sano kedib, laakiin waxa uu xiriir aan qarsooneyn la sameeyay Priya waana shaqsi caqli badan sida la sheego John mar wax laga weydiiyay waxa ka dhexeeya labadooda waxa uu ku jawaabay  jeceyl kal geceyl ayaa naga dhexeeya, isagoo sii raaciyay in uun guursan doono mustaqbalka dhaw, laakiin si rasmiya uma sheegin waqtiga guurka.

Amisha Patel iyo Kunal Gomer:

Amisha Patel waxa ay xiriiro kala duwan lasoo sameysay Vikram Bhatt iyo Kanaf Puri oo ah shaqsi ganacsade ah laakiin amooreheeda cusub waa soosaare Kunal Gomer kasoo u hibeeyay gaari cusub oo nooca lagu xara koodo ah wuxuuna siiyay bilowgi sanadkaan.

Esha Deol iyo Bharat?Takhtani:

Esha waxaa  iska dhadhay labadii halyaay ee Bollywood ee Dhemendara iyo Hema Malini laakiin sidoodi oo kale magac  awood badan kuma aysan yeelan shirkadaan, laakiin waxa ay ku guuleysatay in ay sameysato jeceyl awood badan oo kala dhexeeya Bharat?Takhtani wexeyna hada labdaan ruux ku dhawyihiin sanad, iyadoo lashaaciyay in goor dhaw lasameyn doono faraanti gelis.

Jinellia iyo Rich Deshmukh:


Labdaan ruux waxaa lagu tilmaama in ay yihiin labada qof ee jamaahiirtu iskugu jecelyihiin maxaa yeelay labadood iskuma raagin laakiin sando kedib mar kale ayeey isku soo laabteen wexeyna bilaabeen xiriir cusub, waxaana hada lasaadaa linayaa in xafladooda arooska ay dhici doonto sanadkaan gudihiisa.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

Be the first to comment on this article
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween