|
|
3188 | Tweet |

Atariishada Caanka ah ee Kajol oo filimkii ugu dambeeyay uu ahaa "toonpur ka superhero"ayaa tiri waxaan aad ugu faraxsanahay qaabka wanaagsan ee nolosheydu u socoto maxaa yeelay waxaan ahay Hooyo wanaagsan iyo Atariiho fiican taasina waa guul heer sara ah.
Kajol ayaa mar kale tiri waxaan heystaa waqti badan waana midka nolosheyda wanaajiyay hada, waxaan leeyahay laba caruur ah waxaan ku raaxeystaa nolosheyda aad ayaana ugu faraxsanahay midaas, maxaa yeelay waxaan waqtiga ugu badan ku bixiyaa caruureteyda sidaas Kajol ayaa tiri.
Atariishadaan ayaa ka dhawaajisay in aysan diyaar u ehey xiligaan in ayku fikirto wax mashaariic cusub ah, waxa ay rejeysay in ay ka mid noqon doonto bandhigyada mustaqbalka dhaw, iyadoo ka dhawaajisay in aysan ka reja dhigin dhinaca filimada laakiin waa markii ay waqti u hesho sida ay sheegtay.
Xidigtaan Bollywood ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Filmfare ee atariishadii ugu wanaagsaneed filimka My Name IS Khan sanadkii 2010, wexeyna kamid tahay gabdhaha ugu guulaha badan shirkaadaan Bollywood waana qof aad loo jecelyahay, nasiib wacan Kajol.
Jilaa.com
Info@jilaa.com