HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
1791
Shahid Kapoor Oo Soo Dhaweyn Kala Kulmay Karan Johar.
2012-01-22 16:57:19


Jilaaga caanka ah ee Bollywood Shahid Kapoor ayaa soo dhaweyn kala kulmay labada soo saare ee Karan Johar iyo Punit Malhotra waxaana la xaqeejiyay in filim loo dhiibay Emraan Hashmi lagu wareejiyay Shahid Kapoor daqiiqadihii ugu dambeeyay si kedis ah.

Karan Johar ayaa horay ugu dhiibay Shahid Filimkii 'Kaal' sanadkii 2005-ta laakiin Shahid wuu diiday xiligaas sababtuna waxa ay eheed waxa khilaaf kala dhexeeyay Kareena Kapoor, ha yeeshee mar kale ayuu soo doortay Karan Shahid Kapoor.

Dhan weliba waa la isku waafaqay in Shahid flimka atoora ka noqdo waana war ay ku farxeen dhamaan taageera yaasha xidigaan u sacab tuma, laakiin waxaa dhinaca kale naxdin iyo niyad jab la kulamay jamaahiirta taageerta atriishada da'da yar ee Sonam Kapoor oo filimka horay loogu magacaabay inay atariisho ka noqotay balse qasab noqotay in laga bedelo maxaa yeelay iyada iyo Shahid waxa ay isla keeneen filimka (Mausam ) bila kahor.

Shahid ayaa la kulmay bandhig wanaagsan waxaana lasaadaalinayaa in uu wax yaabo lala yaabo la yimaad,dhanka kale waxaa la sugayaa atriishdii bedel u noqon leheed Sonam oo filimka ka qeyb qaadan leheed taas oo sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo xulin doono.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

Be the first to comment on this article
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween