HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2257
Ranbir Kapoor Oo Ixtiraam U Muujiyay Gacalisadiisi Hore Ee Deepika Padukone.
2012-01-24 16:53:51

Ranbir Kapoor oo ah jilaa si fudud ku soo caan baxay filimadiisa aad loo jecelyahay ayaa isbuucaan waxa uu sameeyay arin aad loola yaabay oo dad ban ku noqotay fajiciso kedib markii uu labada lugood ka taabtay gacalisadiisi hore ee Deepika Padukone mar la qeybinaayay abaalmarin.


Ranbir iyo Deepika waxa ay ahaayeen labada jilaa ee ugu hadal heynta badan Bollywoodka xiligii ay saaxibada ahaayeen inkastoo ay kala hareen waqti hore, laakiin guushii flimkii ugu dambeeyay Ranbir Kapoor ee "Rockstar" waxaa laga dareemay xidigaan Ranbir jecey cusub iyo ixtiraam uu u muujiyay gacalisadiisi hore oo labaduba kasoo wada qeybgalay xalad ka dhacday Mumbai oo lagu qeybinayay abaalmarino.


Waxaa abaalmarinta uu ku guuleystay Rabin gudoonsiisay Deepika isagoo markii uu ka gudoomay dibadeed inta uu rogmaday labada lugood ka taabtay waana ixtiraam weyn India qaabka noocaas ah, taasoo dadka qaar ay ku macneeyeen in Rambir doonaayo rogaal celin iyo jeceyl cusub oo ku aadan Deepika malaga yaabaa intaasu dhacdo?.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

ibrahim - 2012-01-24 17:46:19 Deepika Padukone wey ka istaahishaa ama u qalantaa in uu sidaas u xushmeyo Ranbir Kapoor maxaa yeelay Deepika Padukone ayadaba waxey ku adkeysatay in aysan ka tirtirin taatuuga qoordeda ku yaalo magaciisa ( R K ) waana gabar go,aan leh I like gabdhaha go,anka leh lol
jaani - 2012-01-25 07:36:46 jilaa hada ayee run sheegeen waana run lugaha ayuu ka qabsaday
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween