|
|
3300 | Tweet |

Sida aanu ognahay waxaa lagu soo galaa shirkada Bollywoodka qaabab kala duwan sida muuqaalka qurxoon qaab dhaxal ah iyo siyaaba kale laakiin sida badan waxaa lugu xulaa jilayaasha muuqaalkooda, ha yeeshee waxaa jira dad mowhibo gaara leh oo ka duwan muuqaalkooda iskuna yeela muuqaala kale marka ay jilayaan filimada, taasoo ay ku soo jiitaan dadka, waxaana maanta kasoo qaadaneynaa qaar kamida jilayaasha muuqaalada kale isku yeela.
Nana Patekar: waa shaqsi looga dambeeyo jilitaanka waxa uuna si wanaagsan uga so baxaa boosaska loo dhiibo wuxuuna kamid yahay xidigaha boosaska badan ku leh Bollywoodka oo aan la halmaami doonin taasina waxaa u dheer in uu muuqaalo cusub sameeyo mararka qaar.

Rajinikanth: waa jilaaga ugu caansan jilayaasha kasoo jeeda koofurta India waxa uuna kamid ahaa jilayaashii ugu qatarsanaa ee sideetamaadkii soo maray Bollywoodka waxaana soomaalidu u taqaanaa xidigaan jeestoole waana actar sida badan muuqaal aan kiisa eheyn isku yeela.
Johnny Lever: waa boqorka Comediya waxaana Bollywoodka keenay atoorihii caanka ahaa ee Sunil Dutt abaha dhalay Sanjay kadib markii uu ku daawaday mid kamida bandhigyada India kedibna uu arkay in uu mustaqbal ku leeyahay filimada iyo weliba ka qoslinta.

Paresh Rawal: waxa uu caan ku yahay boosas kala duwan sida ladirnimada iyo Comadiga, waana ruux ay aad u jecelyihiin soosaara yaasha filimada sameeya in uu ka dhaxmuuqdo filimkooda maxaa yeelay waa actor wax yaaba cusub ku soo kordhiya wuxuuna isku yeelaa muuqaalo cusub oo aan eheyn qaabkiisa saxdaa.
Jilaa.com
Info@jilaa.com