HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2531
John Abraham iyo Salman Khan Oo Heshiiyay.
2012-01-26 11:24:23


Waxaa ka dhax yiil labada jilaa ee Bollywood ee John Abraham iyo Salman Khan Khilaaf muddo dheer oo ilaa afar sano iyo bar soo socday, laakiin labada jilaa ayaa ugu dambeyn heshiiyay iskuna gacan qaaday xili ay isku arkeen xaflad ay soo agaasimeen Akshay Kumar, Deepika, iyo John qudhiisa.

Waxaa si lama filaana xaflada ku yimid Salman Khan oo sida uu sheegay rabay Sanjay Dutt iyo Akshay Kumar oo meesha joogay taasina wexey lama filaan ku noqotay John Abrahan oo mar qura dhiniciisa ka arkay Salman laakiin John markii uu arkay Salman wuu dhoola cadeeyay kedibna labada jilaa wey isku boodeen kedibna labada daan iska dhunkadeen.


Salman Khan ayaa sheegay in uusan wax xumaana u qabin xidigaan balse waxaan ay ahaayeen wax si lama filaana ku dhacay iyadoo war bahinta qaar ay qoreen in sababta Salam uu kula heshiiyay John ay tahay maadaama labadoodu ay la dagaashanyihiin gacalisadii hore ee John Bipasha Basu oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Salman.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

Faransa Xaaji Xussein - 2012-01-27 14:32:11 Wad ku mahad san thn dhaman asxabta ayaga ahoooooooooooooooooo siba shaqalaha webka jilaa mahad sanadiin
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween