HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
4518
Hrithik iyo Xaaskiisa Suzanne, Lamaanayaal Is Jecel.
2012-01-27 16:27:34


Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa jeceylkii dheeraa ee soo maray Hrithik Roshan iyo gacalisadiisa Suzaan Khan, labadaan ruux waxaa xiriir jeceyl dhaxmaray iyagoo caruur ah oo aad u yar yar sababtuna waxa ay eheed waxaa xiriir wanaagsan lahaa labada qoys ee ay kasoo kala jeedaan Suzaan iyo Hrihik oo derisna ahaa, wexeyna Suzan jeclaatay Hrithik isaga oon magac leheyn Bollywoodkana aan soo gelin.

Suzaan ayaa ku dhiiri geli jirtay Hrithik Roshan in uu la shaqeeyo waalidkiisa oo soosaare ahaa wuxuuna saacidi jiray isagoo aad u yar, waxaana kamida filimada uu sida wanaagsan kala shaqeeyay filimkii caanka ahaa ee Shah rukh Khan iyo Madhuri "Koyla" isagoo kedibna ku soo baxay filimkii "Kahona Pyaar Hai" wuxuuna  guursaday Suzaan Khan 2000.

Guurka Hrithik waxa uu ahaa mid caalami ah oo laga sii daayay talafeshinada waxa  lala yaabay uguna hadal heynta badan waxa ay ahaayeen in ay is guursadaan laba ruux oo midu yahay Hindu midka kala kasoo jeedo Muslim, laakiin kala duwanaanta diimohooda waxba uma aysan dhimin jeceylkooda.

Suzaan waxa ay canugii ugu horeyay u dhashay Hrithik 2006dii iyadoo kii labaadna dhashay 2008, waana laba ruux oo is fahamsan, waxaana Hrithik uu aad u ixtiraamaa aragtida gacalisadiida Suzaan, mar ay ka carootay Priyanka Chopra oo ay Hrithik wada jileen filimka Krrish waxa uu ka balan qaaday in uusan mar dambe filim lajili doonin isagoo ilaalinaya jeceylka ka dhexeeya isaga iyo xaaskiisa Suzaan, waxaana lagu tilmaamaa Hrithik Roshan in uu yahay shaqsi ixtiraam badan.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

British - 2012-01-28 01:11:25 Walee waa nin Ixtiraam Badan
Qalanjo - 2012-01-28 03:53:57 Woow waxaas aya jacel kaa ah inbadan 2dan shekadoda wan la socda wiilashena haku daydan inbadan jacelka maqadariyaan runtii jacelka wa farxad & nolal wanagsan thanks aqayarta
IDMAN - 2012-01-28 07:31:01 yaaaaaa QALANJO kuwanati o somalida ah iney jcel qadariyan makasugeee wadalee ma ogiye san cml wilashena hakasugin 1000 kiiba xabadkoo akujira xabadkaasne xabadkii ku adaado akuxabadeesahee kkkkkk
nafta - 2012-01-28 15:55:38 haduu ka balnqady inuu filim la jili doonin sow hada filimkiiisi ugu danbeyye lama jilin pitryanka ixtiram kulaha
iga horleexo - 2012-01-28 22:02:21 muslim kuyeh diintee u ogolaatay in ey guursato nin gaal ah ? pastarad dher muslim maahane waa gaalada ugu liidato e yuhuudda ah taas e hakusheegina muslim naag muslim ah nin gaal ah maguursatee diintana uma ogolee...
kkkkkkkkkkkkk - 2012-01-29 04:44:44 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk nagtan miyaa muslim laku til mama hadeba muslim tahay ma arkin miyaa sida ey isku qabisay muslin miyaa sidan isku qawsho acudu bilah musliminta sharafta ha uga dhacina aa yan idin lee yaha nagtan waa galo walay aqiro gadon ayaa dhacay hadiba nag qaban ey tahay muslim sorry in musli sidan lagu til mamay please uma adkesan karo muliminta sharafata leeh in nag qawan lagu til mamo
bin-ali - 2012-01-29 09:05:44 hahaha reer jilaa.com webka iska xira ama anaga nagu wareejiya ..,,hrithik filinkiisii 26 jan soo baxay ee AGNEEPATH priyanka aya k actress ahayd KRRISH 3 oo so bixi doono sanadkaan dhamaadkiisa priyanka ayaa ka aktaradd ah naga faaidaysta ahbaliin.com
cumarvali - 2012-02-01 09:37:55 asc/ aqyaarta sharafta leh ee qorta webka ma iska qayaasayaan mise wey u kuur galeen in ay gabadhaan ay muslim tahay iyo inkale halasoo xaqiijiyo ayan qabaa diinta ma ogolaaneeyso in ay kirishtan iyo muslim is guursadaan lkn ahlu kitaab haduu yahay 2midkood way qabtaa ayan isleeyahay
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween