|
|
2449 | Tweet |

Fanaanadaan caanka ah ee Hollywood Hilton ayaa sheegtay in aysan meel cidlaa ka helin magaca iyo canimada ay ximbaarsantahay balse ay dadalkeeda ku gaartay halka ay tagantahay,Hilton oo 30-jir ah ayaa ah qof shaqa badan wexeyna leedahy goobo ganacsi oo kala duwan oo hadii leysku daro lacag ahaan gaaraya Billion iyo $ 300 Million, wexeyna bilowday shaqada noocaas ah 2005.
Dhinaca fanka waxa ay sheegtay in ay soo saareyso Albumo qabyo ah kuwaas oo noqon doona sida ay sheegtay kuwo layaab leh oo laga heli doono, waxaana saaran sida ay tiri Music casri a oo cusub.
Gabdhaan isku darsatay Jilaa,Heesaa iyo Model ee Paris Hilton waxa ay ku dhalatay 1981-kii magaalada New York iyadoo kedibna u wareegtay dhankaa iyo Los Angeles, wexeyna Hilton soo caan baxday 2001 iyadoo kasoo muuqatay barnaamijka Nolosha America oo kabaxayay Chanalka Fox, wexey filimada kasoo muuqatay 2005tii,waxaana kamida kuwa ugu caansan filimadeeda "House of Wax", Hilton waxa ay soo saartay Albumkeedi ugu horeeyay 2006dii kaas oo cinwaankiisu ahaa Paris.
Jilaa.com
Info@jilaa.com