|
|
2263 | Tweet |

Warar Cusub oo soo baxaya ayaa sheega in Deepika Padukone iyo gacaliyeheedi hore ee Rambir Kapoor laga yaabo in ay mar kale isku soo laabtaan, xidigahaan oo kala maqnaa muddo dheer ayaa ugu dambey waxaa magacyadooda mar labaad lagu arkay bogaga hore ee wargeysyada.
Kadib markii uu lugaha ka qabsaday Rambir Kapoor Deepika xafladii "Colors Screen Awards " taasi wexey abuurtay shakiyo balaaran, waxaana dad badi isku raaceen in labdaan shaqsi aysan kala maarki doonin ugu dambeyna ay isku imaan doonaan.
Labadaan Jilaa oo soo maray xili aad u macaan ayaa ku kala haray si lama filaana waxaana ay hada soo wadaan labadoodu filimka "Ye Jawaani Hai Deewani" kaas oo dad badani ay aaminsanyihiin in uu yahay kii isku soo celin lahaa laguna xasuusan lahaa jeceylkii beri samaadkii, mukala tahay in arintaasi dheceyso? aragtidaada ka dhiibo.
Jilaa.com
Info@jilaa.com