HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
3662
Akshay Kumar Oo Qiso Cajiiba Oo Qosol Badan La Kulmay.
2012-02-04 18:36:53


Akshay Kumar oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa filimada Comadiyaanka ama qosolka ayaa ugu dambeyn waxa uu ku laabtay actionkii uu caanka ku ahaa wuxuuna soo wada filim lagu magacaabo "Rowdy Rathore" oo uu hada ku guda jiro sawirkiisa.

Akshay ayaa waxaa uu la kulmay qiso qosol badan xili uu sameynaayay sawirada filimkaan, isagoo duubaayay akshan ayaa waxa uu koray Mooto wuxuuna labistay dharka Booliska kadibna waxa uu riday Xabad Bistoolo hortiisa waxaa soo socda laba oday oo iyaguna Mootooyin  wata wexeyna u maleeyeen in uu yahay askari bursanaaya maxaayeelay waxa ay orod ku soo dhaafeen wadada si qalad ah, labadii nin wey istaageen gacmahana kor u taageen iyadoo cabsiyi ku jirto wexeyna ku dhawaaqeen hadalo cudur daar ah, wexeyna u heystaan Akshay Boolis Bursanaaya oo qabtay.

Akshay Kumar ayaa arkay eyadoo xaaladu halkaas mareyso kedibna waxa uu iska siibay Okiyaalihii  kuna yiri ragii odayaasha ahaa, waan ka xumahay anigu waxaan ahay Akshay Kumar waxaana isku sawiraayay filim mana dooneyn inaan dhib idiin geysto, marka iga raali noqda, kedibna midkood ayaa lahadlay Akshay kuna yiri waxaad tahay Aktar aad u wanaagsan sidii ayaana lagu kala tegay, sheeko qosol badan iga dheh.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

British - 2012-02-05 02:49:30 waa xushmad badan yahay nikaan waa Actor dhinac walba ka dhisan
Bile British - 2012-02-05 03:39:51 kkkkkkkkkkkkk action lee miiiiiiiiiiiii
khiladi - 2012-02-05 21:37:00 filinkaan caadi ma'ahan wow waxaan ku sugnaaba waa adiga doolo akki.
xanaq - 2012-02-06 10:05:58 wax lagu qoslo iyo wax yaabo kale ayaa kala jira ma waxaan ayaa ah wax lagu qoslo ama sheeko comondy ah.
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween