HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
9739
Taariikhda Jilaa ee Rani Mukerji
2010-03-08 02:07:09

 

Aktaradda Rani Mukharji waxey Ku dhalatay dalka Hindiya Sanadkii  1978, waxey kasoo jeeddaa qoys asalkiisa yahay Bagaldesh, Qoyskaas oo taariikh weyn ku leh aflaanta Hindiya  sida Aabaheed oo ah Soo saare ama director howlgab ah haatan waxuuna hore u aasaasay shirkad sameysa aflaamta oo la yiraardo Filmilaya Studios, Rani Hooyadeed oo lagu magacaabo Kirishna waxey aheyd heesaa qaaddo heesaha aflaamta, Rani walalkeed Raajaa Mukerji waa soo saare filimada,  Rani ayaa sidoo kalena waxey ilmo adeer yahiin aktaradda caanka ah Kajol.

Rani waxey baratay ciyaarta dhaqanka hindida oo lagu magacaabo Odisi oo ay ku bilaado Markey dhiganeysay iskuulka iyadoo yar waxey sidoo kale baxday college lagu magacaabo Mithibai oo ku yaalo magaadla Mumbai.

Inkastoo ay hore usoo sameysay Rani filimaan badan oo Bengali ah hadana wali boos fiican iyadoo anan ka helin Bollwood ayay marqura soo baxday sanadkii 1998 ayay filimkeedii ugu horeeyay oo aay kusoo shaacbaxday la dhigtay Jilaaga Aamir khan, filinkaas oo la oran jiray Ghulam, laakiin guushii ugu weyneed oo ay Rani ugu soo baxdo aflaamta Bollywood iyadoo cusub ayaa aheyd markii Director-ka lagu magacaabo Karan Johar u xushay inay wax ka matasho filinkiisii caanka ahaa “Kuch Kuch hota Hai” uu aktarka ka ahaa Shahrukh Khan, ayna la jilaysay sidoo kale Kajol, waxaana filimkaas uu Rani u noqday mid ay ku hesho abaalmarinta Filmfare ee atriishada labaad iyadoo waliba markii soo baxday.

Aflaamtii ay sidoo kale caanka ku tahay Rani ayaa ka mid ahaa filinki lagu magacabo Chori Chori Chubke Chubke oo ay wada jilaayeen iyada Jilaaga Salman Khan iyo waliba Preity Zinta filinkaas oo ay Rani Mukerji mataleysay doorka ah in ay tahay Xaaska Salman Khan laakiin xanuunsan oo aanan qadi Karin uur, waxaana ku xeriiray dhibaato oo ah odayga dhalay Salman Khan oo uu matalayay Amrish Puri oo ay somalida u yaqaanaan Saalimaseey waxuuna u galayaa Rani Iyo Salman khan asigoo ku haysta inay u dhasho wiil uuna jecelyahay inuu arko caruurta wiilkiisa taasoo nabar ku noqotay Rani maadaama odaygaasi uu islahaa waa ma dhasho balse sidaas darteed Ay Salman Khan iyo Rani ay ku heshiinayaan inay duqa siraan maadama ay isjecelyahin uuna u dhalo cunug iyagoo ku heshiiyay inuu naag kale la saxiixdo heshiis si ay ugu dhasho cunug laakiin aysan familka u sheegin oo ay dhahaan anagaa dhalnay kadibna naagtaasi iskaaga tagto si ay u korsadaan lamaanahaan ilmaha, maadaam qoyskooda uu qoyskooda ka doonayo inay dhalaan caruur,, waxaana Salman Khan uula heshiinayaa si ay caruur ugu dhasho ubad Preity Zinta oo mataleysay dumarka jirkooda ka ganacsado oo iskaga jirtay meelaha lagu tunto, uuna siiyo lacago badan si ay iskaaga soo tagto oo ay u dhasho cunug uuku qanciyo reerkiisa, sida inuu dhalay maadaama xaaskiisa ay xanuunsantahay laakiin uusan guursan doonin waxuuna geeyay guriga Rani oo uu qabay si ay u ilaaliyaan, filinkaasi ayaa run ahaantii ahaa mid calool xumo badan iyadoo Rani ay ka qaadatay qeyb libaax qisadaasi yaabka badneyd.

Waxaa jira Aflaam kale oo ay Rani ku heshay abaalmarinno sida Veer-Zaara oo ay la dhigtay Shahrukhan iyo Preity, Iyo waliba filinkeedii Black oo ay ku qaadatay Best Actress ama aktaradda sanadkaasi oo ahaa 2005 waxey sidoo kale sameysay aflaam Hollwyoodka mareykana lagu dhigay, aflaamta waayahan dambe ay dhigtay ayaa waxa aka mid ah Om shanty Om oo ahaa filin ay ku jireen inta badan aktarada Bollywood kaas uu u jilayay Shahrukhan., Kabhi Alvida Naa Kehna, Baabul iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxa ka mid ah Rani ayaa ah qof aad u niyad wanaagsan kana shaqeysa hay’adaha sadaqada iyadoo lacago u aruuriso dadka gaajeysan iyo kuwa dhibaateysan iyadoo la sheegay inay tahay qof jecel nashadhadda waxey ku leedahay Hindia 3 guri oo waaweyn iyadoo haatana ku sugan dalka Malaysia halkaasi oo ay ku sameyneyso filin.

Jilaa News

info@jilaa.com

cizadiin - 2010-03-08 12:28:10 ohhhhhhhh!!!!!! waan dareemay so mahn in ey rani asalkeeda kasooo jeedo Bagaldesh, waa aktarad aad u qurux badan waana ka helaa aflamteeda in kastoo aktaradda qaar hadii ey la jisho ey lumeyso marka rani waxaan leyahy khaliiki SRK
saabrina - 2010-03-08 14:15:56 jilaa team maxaa ugu soo dari wey say inee cilaaqo layeelatay koofinda iyo sef ali khan
falis - 2010-03-08 14:36:42 Wuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuw Thanks Ala Yacisk Jilaa Team Waa Ku Mahadsan Tihiin Codsiga Yaaqay Rani Waa >Sugayay Walahi Thankssssssssssssssssssss Suxab Waliba Waxaa Is Lahaa jilaa Bal Fiiri Iney Rani Ku Soo Dareen Lakiin Waa Arkay Walahi Thanks
falis - 2010-03-08 14:46:30 really rani waxaa ku ahay taaageero aan caaadi aheyn kajolna sidoo kale lakiin iney ilmo ader yihiin uma heysan cml dhiigooda aa isoo jiitay jilaa team anigoo rani jeclaa ayaa hadana hadey rani meesha ka maqan tahay kajol ayaa ii gali jirtay uma aan ogsooneen iney wax isku ahaayen dhabtii waxaa leeyahy rani waa helay tariiq nololeedkaaga aniga iyo adiga oo isku duuban jilaa waxaan leenahay thank uuuuuuuuuu
axmed fure - 2010-03-08 15:35:15 rani waa qof qaali ah wax badan ayaana sugaayay lakiin waxaa katagteen dhanka jecelka qofka ay lawadaagtay salman khan aad bay ugu nuuraysaa markay aflaanta lajilayso
Maria01 - 2010-03-08 16:09:25 Masha.alah thanks jilaa waana kufarax sanahay shaqsiyan rani wa qof dabeecad wanagsan becuase sanadki tagay ayeyka shaqeyjirtay sony tv showga ay halka kaqabatayna wanageda waxa ay kuheshey kub laga bixi tvga marka ad ayan ujeclahay rani long life.
SHAAKIR - 2010-03-08 19:06:27 WWWWWWWWWWWWW WAA ARIN FARXAD LEH WAXAS TAAARIQ KAA AH HADII KALE MAYA WAD KUMAHADSANTIHIIN JILAA ANIGA WAXAN RABAA IN AA IDNKACUDSANAAYO WAXYNA TAHY TAARIIQDA GABAHDA SHILPA SHETTY LADHOHO IYO GABARTA KALE EE KARISHMA KAPOOR WAAN MAHADSANTIHIIN THANKZ.
galeyr 7 - 2010-03-09 04:18:27 thanks for taariikhda rani bahda jilaa laakiin wax yar ayaanan wali fahmin ineey guursatay iyo inkale iyo cida ay lasocoto micnihii ay jaceylwadaaga yihiin thanks mar 2 aad
Darren fletcher - 2010-03-09 04:56:01 Falis.labadooda(rani/kajol) hadey ka maqanyihiin filinka yaa kuu galaayo booskaas!aniga ka waran hadaan buuxiyo!!!.
REER YAAQSHIID - 2010-03-09 06:52:31 WAA KU MAHAD SAN TIHIIN IN AAD SOO BAN DHIGTAAN ATARIISHO SIDAAN OO KALE OO JECLEESTO XAQIIQDIINA RANI WAA ATARIISHO FAR XADEED WAXAANE LOO YAQAAN RAALIYADA BOLLYWOODKA VIVA RANI IYO KAJOL IYO SHEHRUKHAN
falis - 2010-03-09 11:36:46 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk D. Fletcher Yaa Diidaayo Hee Hadaad Booska Rani Galeyso Ama Booska Kajol Hadaad Buuxineyso u Welcome Lakiin Farst Sida Rani Iyo Kajal Waa Iney Jilaaaaaaaaaa Kaa Sheegeyso Adiga Ahaantaada kkk Waa Ku Salamayaa
Gabar/x.jadiid - 2010-03-09 12:53:11 thanks u so much bahda Jilaa.com aad ban uga helley akhbartan Rani waa qof khiimo leh waa gabar aad u dagan viva Sharukhan 4 ever akhbatiisa lee ha iga joojina thanks
ceeldheer boy - 2010-03-09 17:25:43 rania aad baan uga helaa waa atriishad jliin wanaagsan quruxbadan qof helaa nasiib badan shahid ba hada kuwato ayaan maqlayay laakin ani nafteydu wan jecelahay eyadase ima ogaa taasaa ebtelaa kooxda jilaa wan ka qeylshay hadba waxaan jecelnahay ayeey si qarash la aan ah noogu soo gudbiyaan areedhaha thanks baan idin leeyahay hoowshana isdeeda u wadaa ...
Dar. Fletcher - 2010-03-10 02:06:48 Hhhhh.u are fantastic girl.5_0 ad ku badisay
falis - 2010-03-10 13:17:09 thanks u
falis axmad abdi - 2010-03-14 12:52:24 rani cadi mahan walahi wa arkay aniga mar aan hindi wax barasho u tagay waxaa lo moda in ay quxley tahy lakin mar aad iska hor imaadan wad ka yabi hindi wa dhiqa badantahy somahan marka in mesha ku xun tahy laga yabaa .rani waxan kalooo ku arkay swedhan
Laqaaye - 2010-04-12 14:55:30 Walaahi Meshaan Wax Matare Dhan Ayaa Isku Imaaday Naagaha Waanba Gartaye Raga Sida Naagaha Wax Usoo Qoraayana Maxey Aheed Shyt
hanadGMM - 2010-06-25 15:04:55 sxb laqaaye aflagada isk dhaaf sxb webset kaan waa webset aad iyo aad u fican anigane aad ayan u tagera marka adiga hada websetkan rabi is ka dhaaf haba furin sxb dad ban aya rabo mar sxb af lga dada iska dhaaf
abdinasri - 2010-08-19 21:23:59 haddii aan jilaa umahadceliyo war jilaayaashii aan kaseeney aawey
igatag - 2010-08-20 22:21:38 thanks jilaa ilike her laakiin gabadha la yirahdo preity zinta tariqdeeda so godbiya please thanks
aamaal - 2010-09-03 07:20:45 walaahi gabadhan waa qatar
govinda - 2010-09-04 04:01:15 kareena waa naag is tuurta ah mana fahmi karto jacaylku wuxuu yahay waa na kii hare xabada ugu dhuftay filmkii fida
heyfa - 2010-12-12 09:37:54 rani waa gabar aad ufiican oo is asturta oo waliba atirishooyin badan kafiican tahay lkn rani sxb oo wiil ah maqabto miyaa aniga waxaan ujeclaaday shahid kaboor hadana lagayaawo in isjacalyihiin
rani - 2010-12-13 12:29:48 lkn aniga waxaa ila egyahy salmaan inuu horeujeclaa rani ma aqaanihi lkn inuu runyahay aniga lee ila egyahay
shiine yare - 2011-04-25 02:44:35 waxan rabaa taariikhda ajeey iyo marwadiisa
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween