|
|
2152 | Tweet |

Jilaagaan Bollywood ee Johan Abraham ayaa guul wanaagsan ka gaaray filimadii ugu dambeeyay ee uu soo saaro, sida "Desi Boyz", iyo Force", wuxuuna hada jilaagu isku diyaarinayaa filimkiisa cusub ee "Housefull 2", wxuuna Johan aaminsanyahay in Akshay Kumar uu yahay macalinkiisa isagoo yiri waxaan kabartay Akshay waxyaabo badan.
Johan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay fililmka" Housefull 2" isagoo sheegay in uu ku raaxeysto la shaqeynta xidigaan caanka ah ee Akshay Kumar, waxaana ugu yeeraa ayuu yiri "Guruji" oo macno ahaan ah Momaclim, waxaa kalee oo jilaagu ka dhawaajiyay in uu lasii shaqeyn doono Akshay shanta filim ee soo socota kana daali doonin.
Akshay waa shaqsi cajiiba oo dabeecad wanaagsan waxaana naga dhexeeya labadeeda soo jiidasho dadku aad uga helaan, sidaas waxaa yiri John Abraham, labdaan jilaa filimkii ugu dambeeyay oo ay wada jilaan waxa uu ahaa "Desi Boyz" aad ayaana looga helay.
Jilaa.com
Info@jilaa.com