HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
2043
Al Fanaan Maxamed Deeq Oo Fanka Dib Ugu Soo Laabtay Daawo.
2012-02-17 18:34:49


Fanaanka Da,da yar ee Maxamed Deeq ayaa Fanka dib ugu soo labtay kadib markii in mudda ah fanka uu ka maqnaa,isaga oo iminka la soo laabtay dardar Faneed oo aad u saraysa,waxuuna durba hees Muuqaal ah oo lagu magacaabo "RIYO" la soo qaday Fanaanada wayahaan danbe laga daba dhacay ee Laki Haji.


Heesaaga Maxamed Deeq ayaa tageerihiisa xaga fanka kaga farxiyay Heestaan cusub ee muuqaalka ah taas uu la soo qaday Fananada Laki Haji,waxeyna durbadii ka farxisay heestaan cusub dadka xiiseeya fanka Alfanaan Maxamed Deeq.


Fanaanka Maxamed Deeq ayaa Fanka bilaabay Sanadii 199-kii
isaga oo ku bilabay Dalka Masar gaar ahaan Magalada Qahira,
waxaana Fanka Gacan ku siiyay Fananka weyn ee Ina Dalmar oo xiligaas ay wada joogeen Dalka Masar.


Maxamed Deeq ayaa Albunkiisa ugu horeyaay soo saaray
sanadii 2004 ,waxana albunkaas lagu magacabay 'Gabadha Soomaliyeed Gaf uma ay dhalan',Waxaana kamida heesaha albunkaas ku jiray 'Nimcooy' 'Duf ku baxa' iyo waliba Gacaladaydi.


Fanaanka Maxamed Deeq oo ah Fanaan Cod macaan inta badana heesihisa la jacelyahay ayaa soo labashadiisa xaga fanka waxay si gaar ah uga farxisay dadka Fankiisa xiiseya ee ku nool Dalka Holland oo ah  halka uu
fanaanka daganyahay.

 

Halkaan Ka Daawo Heesta Riyo iyo Al Fanaan Deeq iyo Laki.


Raage Ali Dheere

Info@jilaa.com

sumeyo - 2012-02-18 06:51:54 jilaa wax aadbuunbunisaan maad weydeen markaad laki wax weyn nooga dhigeysaan naagtan wax ey tahay ma leh nimanka kurdida kalaabyada u wadan jireen oo gabdhaha somalida ka jaraareyn jirtay waaba necbahay habartaan ee dadkaan aqoon u sheega
rayaan - 2012-02-18 07:48:12 scw wrb sumaya aflagaadada waa ceeb sweety laki xaaji waa fananad aad iyo aad u codmacaan waxa aad kutilmaameysaneh waa wax aan jirin.
rayan - 2012-02-18 07:50:21 nice song m.deeq, laki haaji waceys
yuusuf yare - 2012-02-18 10:43:18 sumeyo macaanto maxa waaye aflagaadada waxaad aheed qufwanaagsan horta quftaan laki wax jira ma ahan lkn ha aflagadeyniin macaanto away idmaan saxiibtadada riyaan adiga waxaad tahay quf wanaagsan
IDMAN - 2012-02-18 11:18:27 ar Sumayo ahaa qoftaaneti lawadaan beri laguwayee waxlenba isdhahaayi sumayo meehi lobadnaa mee u aruurtay ani run hadinshego heesta hashoo xabo xata makafhmin
bahjo - 2012-02-18 13:36:02 adinka waa idin jeclahe IDMAN iyo Sumeyo, qosalka iga dhameesaan.
sumeyo - 2012-02-18 16:56:22 yuusuf waa ku salaamay adi iyo idman riyan xaad rabtaa oo ku haayo run lee jeegee run maa aflagaado ah aniga igaarka xabad kama sheegen laakiin labo labo aa i hayso kkkkkkkkkkkkkkkkkk
rayaan - 2012-02-19 10:06:09 sumaya abayo cayda ayaan kudidayaa laki waa walashene somaliyeed igaarkaneh waa igaarkeni macalesh labo labadaneh xanjo asbaro cun weykaba ba,eysaakkkkk. thnx yuyu
naasir muriidi - 2012-02-19 12:44:41 @sumeyo fanaaniinta soomaaliyeed hadaanan anaga sumcad u yeelin oo aanan buun buunin ma kuwa hindida ayaan buun buuninaa ???? any way deeq heestii duuf ku bax aan aad u jeclahay waana run mudo ma aanan arag hees uu qaaday waana ku faraxsanahay inaan arko deeq oo dib ugu soo laabtay fanka viva maxamed deeq
naasir muriidi - 2012-02-19 12:46:40 su'aal lees weediiyo ma xumee gabadha sumaya wadata waxaanan anaga ogeyn sidee ku ogaatay mise gabdhaha ee kurdida aad sheegeesid u geesay aad ka mid tahay waayo sidee ku ogaatay waxaas :D:D:D
sumeyo - 2012-02-21 07:59:49 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk muriida eebow kurdi xaan ka jaraa feero yaraaba buuxee aniga gebertaan been ka sheegi maa laakiin walaxaan arkay
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween