|
|
2280 | Tweet |
Jilaagaan ayaa ku guuleystay abaalmarinta xidiga ugu soo jiidashadan Asia sanadkii hore ee 2011, wuxuuna mar kale is keenay banaanka isagoo noqday jilaaga taageerayaashu ugu jecelyihiin aadna u qadariyaan, wuxuuna sidaas ku qaatay abaalmarinta xidiga loogu jecelyahay.
Codeyn loo qaaday jilayaasha Bollywoodka ee dhanka Internetka ayaa Hrithik waxa uu helay 1.4m, sidaas ayaana loogu magacaabay in uu helay abaalmarinta xidiga loogu jecelyahay maadaama uu isagu u cod badiyay dhamaan jilayaasha Bollywoodka.
Hrithik Roshan waa jilaa nasiib u leh abaalmarinada dadkuna aad u jecelyihiin, isagoo lagu tilmaamo in uu yahay shaqsi qalbi jilicsan oo aan aqoon isla weynan iyo wixii lamida, hambalyo ayaanu leenahay guusha uu gaaray Hrithik.
Jilaa.com
Info@jilaa.com